Guddoomiyaha Jaamada Hargaysa Dr.Maxamuud Yuusuf Muuse ayaa maanta tabobar u soo xidhay..

Guddoomiyaha Jaamada Hargaysa Dr.Maxamuud Yuusuf Muuse ayaa maanta tabobar u soo xidhay 40 maamule oo ka tirsan maamulayaasha dugsiyada hoose/dhexe iyo sare ee magaalada Hargaysa.

Tabobarkan oo ay iska kaashadeen wasaaradda waxbarashada iyo sayniska iyo Jaamacada Hargeysa gaar ahaan Kulliyadda waxbarashada ayaa tabobarkan oo muddo bil ah soo socday maanta u soo gebogabaysay maamulayaasha dugsiyada hoose/dhexe iyo sare ee gobolka M/jeex.

Ugu horeyn, waxa munaasibadaa ka hadlay,

hormood kuxigeenka kulliyada waxbarashada Jaamacada Hargaysa Xamse Ibraahim Muxumed oo ka mid ahaa, macallimiintii tabobarkaa bixinaysay waxaanu sheegay, in ujeedada tabobarkani ku saabsanaa, sidii Jaamacada Hargaysa dib ugu celin lahayd, bulshada wixii ay aqoon iyo arrinba hayaan, si loo kobciyo habka maamulka dugsiyada iyo nidaamka wax dhigista barayaasha dugsiyada dalka.

Sidoo kale, waxa isaguna munaasibadaa ka hadlay, guddoomiye kuxigeenka waxbarashada gobolka M.jeex Saleebaan Siciid Saleebaan waxaanu uga mahadnaqay Jaamacada Hargaysa tabobarkan ay siiyeen maamulayaasha dugsiyada magaalada Hargaysa si kor loogu qaado hab maamulka dugsiyada iyo nidaamka wax dhigista macallimiinta.

Guddoomiyaha Jaamada Hargaysa Dr.Maxamuud Yuusuf Muuse oo munaasibadaa soo af-meeray ayaa sheegay, in aan tabobarkani aanu noqon doonin kii ugu danbeeyey ee ay siiyaan maamulayaasha dugsiyada laakiin ay soo wadaan barnaamijyo badan oo kor loogu qaadayo hannaanka waxbarashada dugsiyada dalka.

Sidoo kale, waxa maamulayaashii tabobarkaa dhammaystay halkaa lagu guddoonsiiyey shahaadooyin u dhigma aqoontii ay soo qaateen.