Guddoomiyaha Kulmiye wuxu Guddida Abaaraha guddoonsiiyey mucaawino ka kooban 500 Bundadood oo dhar iyo bustayaal

 

Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, ahna murrashaxa Madaxweynaha xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa taakulo ka kooban hu’ ama dhar la xidho iyo bustayaal loogu talogalay dadka abaaruhu saameeyeen ee gobollada bariga ku nool ku wareejiyey Guddida abaaraha ee heer qaran.

Deeqdan oo bixinteeda ay iska kaashadeen garabyada ay ku midoobeen taageerayaasha xisbiga KULMIYE oo kala ah KULMIYE GUUL ALLLAH oo ka hawlgala deegaannada Maroodi-jeex, Saaxil iyo Gabiley iyo weliba garab kale oo ka hawlgala gobollada Togdheer, Sanaag, Saraar iyo Saaxil, kuwaas oo ka kooban dhallinyaro aqoonyahan ah oo u heellan sidii ay dadkooda iyo dalkoodaba wax ugu qaban lahaayeen, ayaa loogu talogalay bulshada abaaraysan ee ku dhaqan gobollada bariga dalka.
Xaflad lagu wareejiyeynayey agabkan oo lagu qabtay magaalada Caynabo ee xarunta gobolka Saraar shalay, isla markaana ay goob-joog ka ahaayeen xubno wasiirro ah, maamulka gobolka Saraar iyo kuwa degmada Caynaba.

Guuleed Saleebaan Hagoog oo ka tirsan aqoonyahanka taageeradan iska ururiyey ee kasoo jeeda gobollada Togdheer, Sanaag, Saraar iyo Saaxil oo halkaas ka hadlay, ayaa sheegay inay deeqdaas taageerayaasha KULMIYE kaga qayb qaadanayaan taakulaynta dadka abaartu taabatay, isla markaana ay mar walba ka go’an tahay inay dadkooda tabaalaysan wax u qabtaan.

Masuuliyiinta Gobolka Saraar iyo xubno wasiirro ah oo iyaguna madasha hadallo kooban ka jeediyey, ayaa si weyn ugaga mahadnaqay taageerayaasha xisbiga KULMIYE iyo guddoomiyahoodaba sida hagar la’aanta ah ee ay u garab istaageen shacabkooda xilliga adag ee lagu jiro, waxaanay tilmaameen inaanay deeqdaasi ahayn mid maankooda ka guuri doonta.

Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi oo isagu taakuladaa ku wareejiyey Guddiga abaaraha heer qaran, ayaa u mahadnaqay garabyada taageerayaasha xisbiga ah ee deeqdaas soo gaadhsiiyey dadka tabaalaysan ee ku dhaqan gobollada bariga dalka, waxaannu hoosta ka xariiqay in is-kaashigu fure u yahay guul lagaga baxo dhibaatooyinka jira ee ay ka mid tahay abaartani, “Dadkeena haddii aynu isku tashanno inaynu u gargaari karayno awoodeenna waxa aynu ka garanaynaa aqoonyahan dhallinyaro ah ayaa wixii ay huwan lahaayeen 20,000 qos ama in ku dhaw shan boqol oo bundadood oo dhar ah iska soo ururiyey, iyaga oo aan weliba waqti badan iyo qorshe badan aan u gelin, intii hawshan gashay aad iyo aad baan ugu mahadnaqayaa ilaahayna haka abaalmariyo,” ayuu yidhi Md. Muuse Biixi.

kulmiye-abaaraha4

kulmiye-abaaraha2

kulmiye-abaaraha3