Jamaal Cali Xuseen oo wada-hadallo la bilaabay Waddani

 

War kooban oo hadda uu baahiyey xisbiga Waddani ayaa lagu sheegay in Jamaal Cali Xuseen uu wada-hadallo la bilaabay xisbiga mucaaradka ah ee Waddanu, war-murtiyeedku wuxu intaa raaciyey in wada-hadalladu jawi wanaagsan ku bilaabmeen.

Jimcihii ayuu UCID Jamaal Cali Xuseen war kooban oo  uu ku baahiyey barta uu ku leeyahay Facebook-ga ku qiray in isaga iyo garabka uu hoggaamiyo ee “New UCID” ay wada-hadallo la bilaabeen xisbiyada Waddani iyo Kulmiye.

 

Jamaal Cali Xuseen ayaa haatan ka jeestay xisbiga UCID kadib markii Faysal Cali Waraabe loo cumaamaday murashaxa doorashada madaxtooyada ee xisbiga UCID.

Sannadkii 2012-kii ayaa xisbiga UCID heshiis uu la galay garab uu hoggaaminayey Jamaal Cali Xuseen ay murashax madaxweyne ugu cumaamadeen Jamaal Cali Xuseen, hase ahaatee waxa mar walba jiray khilaaf u dhaxeeya Jamaal iyo Faysal oo xisbigaas soo hoggaaminayey tan iyo markii la aasaasay 2002-dii.

Ka hor intii aanu siyaasadda ku soo biirin, Jamaal wuxu agaasime ka soo noqday baanka caalamiga ah ee Citi Bank xarumihiisa Kenya, Tanzania, Ivory Coast iyo waddamo kale oo door ah.