Guddoomiyaha KULMIYE wuxu ka qaybgalay tartannada Ramadaanta ee Garoomada Degmooyinka Macallin Haaruun, Gacan-libaax, 26-ka June iyo Koodbuur

 

Guddoomiyaha KULMIYE, ahna murrashaxa Madaxweynaha xisbiga Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka qabgalay tartannada Kubadda Cagta bisha Ramadaan ee ka socda garoomada degmooyinka Macallin Haaruun, Gacan-libaax, 26-ka June iyo Ibraahim Kood-buur, kuwaas oo ka mid ah tartannada lagu qabanayo gobollada dalka oo dhan oo agabka lagu ciyaarayo uu bixiyey xisbiga KULMIYE.

Guddoomiye Muuse Biixi oo ay wehelinayeen saraakiil ka socda xisbiga, wasiirro ka tirsan ka tirsan xukuumadda iyo madaxda heer gobol iyo degmo ee Hargeysa, ayaa galabta booqday garoomada Suldaan Xasan Barre oo ku yaal degmada Macallin, garoonka xaafadda Sheekh Nuur oo ka tirsan degmada Gacan-libaax, garoonka Xawaadle oo ka mid ah degmada 26-ka June iyo garoonka Dhallinta Kacaanka oo hoos yimaada degmada Ibraahim Kood-buur. Waxaannu Guddoomiye Muuse Biixi uu waqti geliyey, isla markaana dadweynihii garoomadaas ku sugnaa kala qaybgalay daawashada ciyaarihii garoomadaasi ka socday, isaga oo dhallinyaradii ciyaaraysayna ku dhiirrigeliyey in ay mihnaddii kubadda cagta sii wataan.

Guddoomiyaha iyo madaxda kale waxa booqashada ay ku tageen Garoonka Kubadda Cagta ee Suldaan Xasan Barre si fiican ugu soo dhaweeyey dadweyne badan oo u daawasho tagay ciyaarta iyo ciyaartoygii ciyaarayeyba, iyadoo sidoo kalena ay halkaasi kuqaabileen salaadiin iyo masuuliyiin ku sugnaa.

Xubno ay ka mid yihiin Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee KULMIYE Axmed Cabdi Dheere, Suldaan Maxamed Suldaan Xasan Barre oo uu dhalay Suldaanka garoonka loogu magac-daray, Wasiirka Duulista Farxaan Aadan Haybe, Wasiirka Ciyaaraha Cabdirisaaq Waaberi Rooble, Maayarka Caasimadda Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco), ayaa garoonka ka hadlay, waxaanay Guddoomiyaha uga mahadnaqayeen sida uu xilka isaga saaray booqashada garoonkaas oo inta badan aanay masuuliyiintu tagin.

Garoonka xaafadda Sheekh Nuur ee degmada Gacan-libaax oo uu isna Guddoomiyuhu booqashadiisa ku soo maray, waxaana halkaas ku qaabilay dadweyne badan oo ku sugnaa garoonka oo waayeel iyo dhallinyaro isugu jiray, waxaana halkaas hadallo kooban oo ku saabsan sida uu guddoomiyuhu da’yarta u garab taagan yahay ka jeediyey xubno ay ka mid yihiin Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex ee xisbiga KULMIYE Md. Maxamed Iid Dhimbiil iyo Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga Cumar Shucayb Maxamed.

Intaas kadib Murrashaxa KULMIYE iyo saraakiisha uu hoggaaminayey waxay kormeerkooda ku  tageen garoonka Xawaadle ee degmada 26-Ka June oo ay ka socotay ciyaar dadweynuhu si weyn daawashadeeda uga qaybgaleen, waxaana soo dhaweyn kadib madasha ka hadlay xubno weftiga ka tirsanaa oo ay ka mid yihiin Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Cabdirashiid Ismaaciil Kaahin, Maayar-ku-xigeenka Caasimadda Hargeysa Cabdicasiis Cago-weyne iyo xubno kale, kuwaas oo dadweynihii madasha ku sugnaa uga mahadnaqay sida ay muhiimadda  u siinayaan kubadda Cagta iyo daawashadeedaba.

Ugu dambayntii, Guddoomiye Muuse Biixi waxa uu booqday Garoonka Dhallinta ee degmada Ibraahim Koodbuur, halkaas oo ku soo dhaweeyeen taageerayaal iyo dadweyne uu ka mid yahay Xildhibaan Cabdiqaadir Maxamed Xasan Indho-indho oo ka tirsan Golaha Guurtida oo isagu madasha ka jeediyey hadallo soo dhaweyn u badan.

Badhasaabka Gobolka Maroodi-jeex Cabdilaahi Jibriil Gaaxnuug (Buraale) iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Maxamed Cilmi Aadan (Ilkacase), ayaa iyaguna halkaas ka hadlay, waxaanay Guddoomiyaha ugu mahadnaqeen sida uu dhallinyarada u dhiirrigelinayo ee uu u garabtaagan yahay.

Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, ayaa isaguna hadallo uu ka jeediyey garoomadaasi uu booqday waxa uu da’yarta kula dardaarmay inay kobciyaan xirfadooda Kubadda Cagta si ay u metelaan qaranka Somaliland, isagoo arrintaasi ka hadlayana waxa uu yidhi:

“Dhallinyarada waxaanu ka rajaynaynaa ciyaar fiican iyo inay ay noqdaan ciyaaryahanno waaweyn oo qaranka Somaliland oo dhan u ciyaara, soo dhaweyntiinana waanu ka mahadnaqaynaa.”

Kormeerka Guddoomiyaha iyo xubnaha kale ee uu hoggaaminayaa ku tageen garoomadan, ayaa daba socday dadaallo xisbiga KULMIYE ku dhiirrigelinayo dhallinyarada ku foogan ciyaaraha kala duwan, gaar ahaan bisha barakaysan ee Ramadaan oo tartannada ka socda dalka oo dhan uu xisbigu maalgaliyey.

bandhige@gmail.com