Guddoomiyaha Kulmiye, ahna murrashaxa jagada Madaxweynaha xisbiga Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka qaybgalay xaflad ballaadhan xuska maalinta Qoomiyadaha Itoobiya loogu qabtay caasimadda Somaliland ee Hargeysa maanta.
Guddoomiye Muuse Biixi oo khudbad ka jeediyey madasha waxa uu kaga hadlay xidhiidhka ka dhexeeya Somaliland iyo Itoobiya, waxyaabaha ay wadaagaan labada dal ee u baahan in ay si wadajir ah uga shaqeeyaan wax-ka-qabadkooda iyo kaalinta Itoobiya kaga jirto Afrika iyo gobolkaba.
Waxa kale oo Murrashaxa Madaxweynaha Kulmiye ugu baaqay beesha caalamka, gaar ahaan dalalka jaarka la ah Somaliland ee Geeska Afrika in ay tixgelin siiyaan aayo-ka-tashiga ummadda Somaliland, dibna u eegaan mowqifkooda madaxbannaanideeda ay xaqa u leedahay.
Halkan hoose ka daawo muuqaalkan warkan: