Guddoomiyaha Maxkamadda Sare JSL, oo dhaariyay xubin buuxinaysa jago ka bannaanaatay Golaha Guurtida.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland, mudane Aadam X. Cali Axmed, ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 30/12/2023, dhaariyay Cabdiraxmaan Axmed Waaberi, oo laga bilaabo maanta ka mid noqonaya mudanayaasha Golaha Guurtida JSL.
Xubinta la dhaariyay ayaa buuxisay, jago uu 2dhawaan banneeyay, AHN mudane Axmed Waaberi Maydhane, taasi oo Golaha Guurtidu ay Maxkamadda Sare u soo gudbiyeen, codsi ay ku dalbanayaan in xilkaasi loo dhaariyo, Cabdiraxmaan Axmed Waaberi, si uu u buuxiyo jagada banaanaatay.
Dhaarinta ka dib Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Aadam Xaaji Cali, waxa uu kula dardaarmay mudanaha in uu qaranka ugu adeego, si daacad ah oo hufan, waxaanu ALLE uga baryay in uu u fududeeyo masuuliyada culus ee loo igmaday.
ALLAA MAHAD LEH