Guddoomiyaha Togdheer oo Xadhigga ka Jaray Dhismayaal Lagu Kordhiyay Saldhiga Aadan Saleebaan ee Burco

Burco (Dawan) Guddoomiyaha gobolka Togdheer Mudane Jaamac Cabdillaahi Biin iyo taliyaha qaybta booliska gobolkaasi Cali Maxamed Faarax, ayaa siwada jira xadhiga uga jaray dhismayaal cusub oo lagu soo kordhiyay saldhiga Aadan Saleebaan ee magaalada Burco.

Taliyaha qaybta booliska gobolka Togdheer Cali Maxamed Faarax, ayaa taliyaha guud ee ciidanka booliska Somaliland uga mahadceliyay dhismaha iyo dib u habaynta lagu sameeyay Saldhiga Aadan Saleebaan, waxaanu intaas ku daray in taliyuhu deg deg uga soo jawaabay dalabkii ay u direen, waxaanu xusay in hoggaanka dhismuhu uu sameeyay qiimaynta dib u habaynta iyo balaadhinta loogu sameeyay saldhiga.

Guddoomiyaha gobolka Togdheer Mudane Jaamac Cabdillaahi Biin, ayaa uga mahadnaqay taliyaha ciidanka booliska Somaliland iyo cidkasta oo ka qayb qaadatay dhismaha iyo dayactirka saldhiga Aadan Saleebaan ee gudaha magaalada Burco.

Madaxdii iyo marti sharaftii ka soo qayb gashay xadhig ka jarka dib u habaynta iyo dayactirka lagu sameeyay saldhiga Aadan Saleebaan, ayaa ku ammaanay taliyaha ciidanka booliska Somaliland, waxaaney soo dhaweeyeen sida quruxda badan ee loo dhisay saldhigan.

 

 

 

Xigasho:wargeyska dawan Bandhige@gmail.com