Kulankan Dad-wayne ayaa ahaa mid si heer sare ah loo agaasimay, iyadoo ay soo buux-dhaafiyeen Ardayda jaamacadaha Burco iyo dadwayne kale.
Gudoomiye Faysal Cali Waraabe ayaa halkaasi ka jeediyay Muxaadaro ku taccalluqda Dhaqan-Siyaasadeed-ka Somaliland, Waxaanu dib u milicsaday Gudoomiyuhu Taariikhdii Iyo Maraxilkii adkaa Ee Dalka Somaliland ka soo gudbay, isagoo dul-istaagay Taarikhihii kala gaddisanaa ee Dalku soo maray oo mid waliba waayaheeda Xambaarsanayd.
Sidoo kale Gudoomiyuhu wuxuu tilmaamay in Dalka Somaliland ay maanta ka jirto Hogaan-xumo, qabyaaladduna ay marba maraka ka danbaysa cirka isku sii shareerayso.
Gudoomiyuhu wxuu halkaasi ku soo bandhigay Xalal iyo Barnaamij-ka Siyasiga Ee Xisibiga, isagoo ku tilmaamay ย Xisbiga UCID in uu yahay Xisbiga Qudha ee dalkan ka badbaadin Kara Dhibaatooyin-ka Ragaadiyay Ee Qabyaaladdu Kow Ka Tahay.
Dhalinyaradii halkaasi ku sugnayd ayaa suโaalo kala duwan ku boobay Gudoomiyaha, Iyadoo Gudoomiyuhuna uu dhamaan Suโaalahaasi ka bixiyay Jawaabo Waafi ah.
Kulankii Xalay ayaa ku soo dhamaaday Jawwi Degen, iyadoo bulshada Reer Burco ay la dhaceen Lecture-Ka Gudoomiyahaa oo ahaa mid dhinacyo badan taabanayaa, Sidoo kalena Ahaa Gudoomiyihii Siyaasigii ugu horeeyay ee Lecture Ka jeediyay Burco.
Guodomiyaha ahna Murashaxa Madaxweyne Ee UCID ayaa Muxaadarooyin ( Puclic Lectrure) sidan oo kale ah hore uga jeediyay Magaalooyinka Hargaysa iyo Borama.