Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland ahna musharax Madaxweyne ee Xisbiga mucaaredka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi “Cirro”ayaa cisbitaalka weyn ee magaalada Hargeysa ku booqday dad kala duwan oo ku waxyeeloobay shilal gaadiid oo kala gedisan, kuwaas oo shalay ka dhacay magaalada Hargeysa, waxaanu Illaahay uga beryey in uu caafimaad sarreecana siisayo, isagoo sidoo kale eebe uga beryey intii ku dhimatay in uu janatul fardaws ka waraabiyo. Isagoo arrintaas ka hadlayana waxa uu yidhi:
“Waxaan Tacsi gaadhsiinayaa Xaaji Muuse oo shil gaadhi ku geeriyooday,waxaan illaahay uga baryayaa in uu janatul firdowsa ka waraabiyo.”
Dhanka kalena Guddoomiyuhu waxa uu ka haddlay dilal xalay “habeen hore” loogu geystay guddaha magaalada Hargeysa nin dhakhtar ah, kaas oo farmasi uu ku lahaa magaalada Hargeysa dhexdiisa uu ku toogtay nin hubaysan oo madax soo duubtay, isagoo sidoo kale arrintaas ka hadlayana waxa uu yidhi:
“Waxaan Tacsi gaadhsiinayaa Axmed Aadan Sareeye oo ahaa nin dhakhtar ah oo farmasigiisa dhexdiisi lagu toogtay,illhaay ha-unaxariisto marxuumka.”
Ugu dambayntii musharax Cabdiraxmaan Cirro ayaa sigaar ah tacsi ugu diray, qoysaskii, qaraabadii, eheladii iyo asxaaabtii iyo guud ahaan-ba shacabka reer somaliland, isagoo ka tacsiyadeeyey geerida ku timi Marxuumiinta Xaaji Muuse Iyo Axmed Aadan Sareeye oo isaga ay gacan ka xaqdarin ku dishay meherad farmasi ah oo uu lahaa dhex-deeda, waxaana hadaladiisii ka mid ahaa markuu tacsi u diray qoyskii iyo qaraabadkii ay ka baxeen marxuumiintaasi:
“Waxaan Tacsi gaadhsiinayaa Axmed Aadan Sareeye oo ahaa nin dhakhtar ah oo farmasigiisa dhexdiisi lagu toogtay,iyo xaaji Muuse oo ahaa nin ganacsade ah oo aad iyo aad loo yaqaanay,waxaan illaahay uga baryayaa in uu janatul firdowsa.”