Guddoomiyaha xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro iyo wefti uuj hoggaaminayo oo ku sugan caasimada dalka Itoobiya Addis Ababa ayaa waxay la kulmeen Madaxweyne Khaatumo Cali Khaliif Galaydh oo muddooyinkii u dambeeyey wada-hadalo u wada socdeen xukuumadda Somaliland.
Labada dhinac midna warbaahinta uma soo bandhigin waxyaabaha ay ka wadahadleen laakiin kulankan ayaa ka danbeeyay kadib wahadalo todobaadkii hore si toos ah u dhexmaray Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo iyo Cali Khaliif Galaydh.