Guddoomiyaha xisbiga WADDANI oo dhammbaal hambalyo ah u diray ciidanka qaranka Jsl sannad guurada 26-aad ee ka soo wareegtay aasaaskii Ciidanka Qaranka

Xisbiga WADDANI waxa u qirsan yahay in ciidanka qaranku yahay cudduda ciida iyo calankuba cadowga kaga deyran”

Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) waxa uu dhammbaal hambalyo ah u dirayaa Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Soomaalilaan sannad guurada 26-aad ee ka soo wareegtay aasaaskii Ciidanka Qaranka. Waxa uu Guddoomiyuhu si diirranย u bogaadinayaa Ciidamada Qaranka, Saraakiisha, Saraakiil ku-xigeenada, dableyda, xaasaskooda iyo caruurtooda oo uu nolol wacan iyo horumar u rejaynayo.

Xuska halyeyada iyo naftood hurayaasha Ciidanka Qaranku waa xus qaran oo huwan xurmo qaran, sidaa darteedna Xisbiga WADDANI waxa aanu marnaba hilmaamayn kaalinta weyn ee Ciidanka Qaranku ku leeyihiin amniga Jamhuuriyadda Soomaalilaan. Xisbiga WADDANI waxa uu qirsan yahay in Ciidanka Qaranku yahay cuddudda ciida iyo calankaba cadowga kaga deyran.

Xisbiga WADDANI waxa uu aamminsan yahay in Ciidanka Qaranku yahay astaantii qaranimada iyo jiritaanka dawladnimada, in uu yahay hu’gii iyo hadhkii Shacabka Jamhuuriyadda Soomaalilaan, iyo in ay yihiin lama-huraan lagu ladey oo lagu ladnaaday.

Xisbiga WADDANI, waxa uu mar walba qirayaa doorka heybadda leh ee aad ku leedihiin horumarka iyo hour-socodka dalkan, waxa aan idiin aqoonsannahay Xisbi ahaan in aad tihiin hiilkii iyo hubkii muwaadiniinta Jamhuuriyadda Soomaalilaan.

Waxa aan Xisbi ahaan ka marag iyo markhaati nahay duruufaha adag ee ku gedaaman Ciidanka Qaranka sida; mushaharka iyo gunnaddda oo ah mid noloshiina iyo ta qoysaskiina aan kafeyn karin.

Balanqaadkii Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI ee xilligii ololuhu waa lama-taabtaan waxna lagama beddelayo. Waxa aanan rabnaa in aad guryo iyo goobo idiin qalma ku noolaataan, xerooyin iyo xarumo dhameystiranna dhex joogtaan, cusbitaallo iyo daryeel dhaxal gal ahna heshaan, qalabka iyo saanad ciidan oo casriyana ku qalabeys naataan, iyo in la kordhiyo mushaharka Ciidanka 250%.

Xisbiga WADDANI waxa uu uga digayaa Xukuumadda KULMIYE ee talada haysa in la siyaasadeeyo arrimaha Ciidanka Qaranka.

Xisbiga WADDANI waxa uu u arkaa in Ciidanka qaranka darajadiisa lagu qeybiyo xeer, xilkasnimo, dedaal iyo daacadnimo.

ALLAA MAHAD LEH

Sannad-guuro Wanaagsan!
____________________________________________
Af-hayeenka Guud ee Xisbiga WADDANI Barkhad Jamac BatunNo photo description available.Image may contain: 1 person