Guddoomiye Cirro waxa baaq nabadeed u diray labada beelood ee dirir ku dhex-martay deegaanka Darar-weyne

War-saxaafadeed ka soo baxay xisbiga ayaa waxa lagu sheegay in uu Guddoomiye Cirro ahna Guddoomiyaha wakiilada baaq nabadeed u diray laba beelood dirirtu ku dhex-martay deegaanka Darar-weyne oo ka tirsan degmada Ceel –Afweyn.

War-saxaafadeedkaas oo dhamaystirana waxa uu dhignaa sida tan

Ujeedo: Baaq-Nabaddeed

Guddoomiyaha aqalka golaha Wakiilada Somaliland ahna Guddoomiyaha xisbiga Waddani  Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), ayaa baaq nabaddeed u diraaya laba beelood oo walaalo ah oo maalmahii ugu dambeeyey dirir ku dhex-maraysay deegaanka Darar-weyne ee degmada Ceel-Afweyn oo ka tirsan gobalka Sanaag.

Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro, waxa uu ugu baaqayaa labadaa beelood ee walaalaha ah in ay joojiyaan dirirta colaada, maadaama dagaal wiil ku dhinta mooyee aanu wiil ku dhalan sida oo kale na ay u hoggaansamaan wax-garadka, cuqaasha iyo sulaadiinta ka shaqeynaaya dejinta xiisaddaas colaadeed, horseedna ay u noqdaan wada-noolaashiyo iyo nabad waarta oo dhex-marta.

Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), waxa uu ugu dambeyn uu ugu baaqay xukuumadda iyo golaha Guurtida Somaliland in ay si deg-dag ah uga gurmato deminta colaadaas isla mar ahaantaana loogga shaqeyn lahaa wada-jirka, wada-nolaashiyaha iyo nabadda labadaas beelood ee walaalaha ah.

 

Waaxda Warfaafinta WADDANI

Hargeysa, Somaliland