Guddoomiyaha Kulmiye waxa uu Xassan Gaafaadhi u magacaabay Afhayeenka xisibiga

Guddoomiyaha xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabd ayaa waxa uu Afhayeenka Kulmiye u magacaabay Xasan Maxamed Cali  “Gaafaadhi”.

Magacaabista Afhayeenka ayaa waxa lagu sheegay qoraal ka soo baxay  xafiiska Kulmiye oo uu ku saxeexan yahay Guddoomiyaha Kulmiye, qoraalkaasina waxa uu u dhignaa sida tan:

“Waxaan xilka Af-hayeenka xisbiga Kulmiye u magacaabay Mudane Xasan Maxamed Cali “Gaafaadhi” laga bilaabo maanta (shalay)  oo taariikhdu tahay March 8 – 2016. Waxaannan u rajaynayaa in Alle ku garab galo xilkan.

Magacaabista xilka Af-hayeenka xisbiga Kulmiye waxay dhaqangalaysaa taariikhda magacaabistiisa ee kor ku xusan. Xil-gudasho wacan.”

bandhige@gmail.com