Guddoomiyaha xisbiga Kulmiye ahna musharaxa Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa waxa uu ka qayb galay xuska sannad guurada 25aad ee 20-ka Gimbood oo xafiiska ganacsi ee dawladda Itoobiya ku leedahay magaalada Hargeysa ku qabteen Hudheel Maansoor.
Muuse Biixi Cabdi waxa uu hambalyo u diray shacabka iyo dawladda Itoobiya, isaga oo ku hambalyeynaya xuskaย 20 Gimbood oo ah 25-guurada ka soo wareegtay wakhtigii talada dalka Itoobiya laga tuuray xukunkii kaligii taliska ahaa ee gacanta ku hayey talada dalkaasย Itoobiya.
Halkan hoose ka daawo khudbada Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi: