Guddooyimaha Gobolka Maroodi-jeex wuxu soo kormeeray deegaanadda hoose yimaada Degmada Saba-wanaag

 

Safar dheer oo qaatay waqti badan ayaa wuxuu Guddoomiyaha gobolka Maroodi-jeex ku maray 14 tuulo oo hoos yimaada degmada Saba-wanaag ee gobolka Maroodi-jeex, Guddoomiyaha waxa safarkiisa ku wehelinaayay masuuliyiin sarsare oo ka socdey hay’adda Al-Kheir Foundation, safarkan Guddoomiyuhu wuxuu ugu kuur galay xaaladda nololeed ee dadyowga abaaruhu aadka u saameeyeen ee degen deegaanaddan.

Safarkan ujeedadiisu waxay ahayd raashin loo qeybinaayay dadka ay abaaruhu soo baro kiciyeen ee kasoo guurey deegaankoodii una soo guurey degmada saba-wanaag, gaar ahaan duleedka tuulada Ismaaciil Yoonis.

Intii uu waftigani ku gudo jirey safarka shaqo waxa ay la kulmeen deegaamo rooban oo ay ka curteen roobabkii gu’gu, balse ay ka muuqato weli diiftii abaaruhu, iyo deegaano uu roobku ku yaryahay, tuulada kaam gaas oo hoostimaada degmada saba-wanaag ayaa kamid ahayd tuuloyowga ay roobabka gu’gu ka da’een, waxaana waftiga u suurto gashay inay xaal wareysi la yeeshaan dadka degen deegaankaas.

Gudoomiyaha tuulada kaam-gaas Maxamed Cabdilaahi Gaas, ayaa waxa uu weftiga warbixin kooban kasiiyey xaalada nololeed ee dadka deegaanka abaartii kululeyd ee diifta badan soo marisay dadka deegaankan iyo curasha roobabka gu’ga, waxaanu yidhi:

Ugu horreyn illaahaybaa mahad oo dhami u sugnaatay noo shubey raxmadiisii, waftigan uu hogaaminaayo badhasaabka gobolka Maroodi-jeex aadbaan usoo dhaweynayaa waa masuulkii u horreeyey ee dawlad ka socda ee deegaankan soo gaadha lugihiisana ku yimaada, waxa ii farxad ah inaan la kulmo kuna soo dhaweeyo guddoomiyaha tuulada Kaam-gaas, guddoomiye runtii abaarta nasoo martay maaha mid laga sheekeyn karo waxa ku baro kacey dad aad ubadan waxa ku dhintey xoolo aad u badan, waxaan isleeyahay lagamasoo gayoon karo dad iyo duunyaba way madheen, guddoomiye halkan waxa na agdegen dadyow soo baro kacey oo aan helin wax gargaar ah iyo wax taakuleyn ahba, waxayna dadkani ka koobanyihiin 320 qoys oo ka kala yimid deegaamo fog fog, waxay u baahanyihiin daryeel caafimaad iyo mid quudba.”

Oday Ibraahim Saqadhi waa mid ka mid ah odayaasha tuulada kaam-gaas wuxuu warbixin kooban siiyey guddoomiyaha iyo weftigiisa, waxaan ka mid ahaa hadaladiisii:

“ Waxaan jiraa 87sanno weli maan arag abaartan oo kale, waxa nasoo marey abaaro badan balse tani mid la maleegan karo maaha, guddoomiye waxaad tahay shakhsigii u horreeyey ee deegaankan lugihiisa ku soo gaadha, waanu kaaga mahadcelineynaa, waxa noo curtey roobabkii gu’ga, nimco weliba nusqaanlehe wax khasaare ah waxa ka dhashay in iskuulkii ay 120 ardey ahi ku jireen inuu jiingadihii oo dhan ka qaado, waxaanu kaa codsaneynaa in ardeydaas wax noo baraneysa iskuulka naloogu dhiso oo dhismaha iskuulka oo ka kooba 2 galaas oo ay dhigtaan 120 ardey runtii waa cidhiidhi in naloo balaadhiyo intaa aad dawlada naga gaadhsiiso.”

Ugu dambeyntii waxaa isna halkaasi ka hadlay Guddoomiyaha gobolka maroodi-jeex Cabdillaahi Jibriil Gaaxnuug “Buraale” waxaana hadalladiisii kamid ahaa:

Ugu horreyn illaahaybaa mahad iska leh nagasoo jabiyey abaartii kululeyd, marka xigta ka xukuumad ahaan waanu ka warqabnaa wixii dhib, diif caafimaad darro iyo dhimasho xooleedba ah ee ay abaartii dheereyd idinsoo marisay, runtii abaar laga sheekeyn karo may ahayn, waxa xusid mudan in gurmad ballaadhan ay ka geysatay xukuumada Somaliland ee uu gadhwadeenka u yahay madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud “Siilaayo”, waxa xukuumadu ay amarro ku bixisey in si siman oo caddaalad ah loogu gurmado dadka ay abaaruhu saameeyeen, walaalayaal waxaad kawarqabtaan in uu madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud “Siilaanyo” uu amar ku bixiyey in la joojiyo dabaal degyadii 18ka may oo kharashkii ku bixi lahaa loogu gurmado dadka ay abaaruhu saameeyeen, dhamaan hay’adaha deeqaha raashinka ah bixiya, ganacsatada iyo masuuliyiinta caafimaadka waxaan ku amrayaa in loo gurmado dadkan ay abaaruhu saameeyeen si loo badbaadiyo inta yar ee nololshooda ku sii hadhay, waxa xukuumadda ka go’an iney u gurmato dadkeeda.

Waxaa kale oo uu Guddoomiyuhu ka hadlay halista caafimaad ee ka iman karta biyaha roobka waxaanu yidhi:

Biyaha roobka ee hore waa inaan laga dhaansan baraagaha aad ka cabeysaan waayo waxa jirta wasakh badan oo ka dhalata dhimasha xoolaha, waxayna sababi kartaa caafimaad darro iyo cudurro badan, runtii waxa xusid mudan in wasaaradda caafimaadku ay ku gudo jirto gurmad ay ku nadiifinayso baraagaha iyo keydadka biyaha, waa ineydun biyaha hore ka du’daan barkadaha, ka xukuumad ahaan aad baanu usoo dhaweynaynaa baaqa odayaasha iyo ka dadka deegaankan waxaan ballanqaadayaa inaan lakulmo wasiirka wax barashada iyo masuulka wasaaradda u qaabilsan arrimaha waxbarashada ee qeybta bariga mudane Idiris oo ah runtii shakhsi aad u wanaagsan waxaan u gudbin doonaa baaqiinan waxna waa leydiinka qaban doonaa iskuulkan insha-allaahu”  

bandhige@gmail.com