Gudida qandaraasyadu waxay ku dhawaaqeen shirkada ku guulaystay dib u dhiska Suuqa Waaheen

Guddida Qandaraasyada Qaranku, wax ay Shacabka reer Somaliland ogaysiinaysaa in ay soo gebogebeysay ‘’Qandaraaska Dhismaha Suuqa Waaheen’’ oo illaa bishii 9aad ee sannadkii 2022 ay Guddidu gacanta ku haysay.

Tartanku waxa uu maray marxalado kala duwan kuwaas oo dhowr jeer dib-u-eegis xayaysiin iyo dib-u-xayaysiin ba lagu sameeyo iyada oo la raacayo qodobbada 56aad, 58aad, 70aad iyo 71aad ee Xeerka Qandaraasyada Qaranka Xeer L.r 82/2018 iyo Habraaca Qandaraas Bixinta Dhismayaasha Lr. 2022 iyo Xeernidaamiyaha Qandaraas Bixinta Qaranka Lr. 2022.

Guddida Qandaraasyada Qaranku, waxa ay tiraba afar jeer dib-u-eegis iyo dib-u-xayaysiin ku sameysay tartanka maaddaama oo ay suurtageliweydey in shirkad keliya keento ama ku dhawaato qiimo macquula oo lagu dhisi karo suuq casri ah oo aan tayo ahaan aad u sarreeya. Sidaa darteed Guddida Qandaraasyada Qaranku wax ay dib-u-xayaysiin ku sameysay March 27, 2023, taas oo shirkaddo Caalami ah ay ka qayb galeen soo gudbisashada ‘’Qandaraaska Dhismaha Waaheen’’.

Guddida Qandaraasyada Qaranku, wax ay qiimeyn dheer kaddib, ay ku qanacday in Shirkadda Inyatsi Construction Company oo ka mid ah shirkaddaha Inyatsi Group of Companies, fadhigeeddunna yahay dalka Eswatini ee Koonfurta Afrika ay guulaysatay Dhismaha Suuqa Waaheen. Shirkadda ayaa ka mid ah shirkaddaha ugu waaweyn Afrika taas oo shaqooyin badan ka wada meelo badan oo ka mid ah dalalka Afrika.

bandhige@gmail.com