Hablihii Boko Xaraam soo daysay waxay soo gaadheen caasimadda Nayjeeriya ee Abuja

 

Af-hayeenka madaxweynaha Nayjeeriya, Femi Adesina, ayaa bartiisa Twiterka ku qoray in 82 gabdhood oo kamid ah gabdhihi Boko Haram ay afuubatay 2014-kii ay haatan soo gaadheen caasimada Nayjeeriya ee Abuja.

Waxa ku qaabilay garoonka diyaaradaha agaasimaha xafiiska madaxweynaha Al-Haji Aba Kyari, oo ka wakiil ahaa madaxweyne Muhammadu Buhari.

Gabdhahan la soo daayey waxa lagu badeshay xubno ka tirsan kooxda Boko Xaraam oo dawladdu haysay.

Waa markii labaad ee xukuumada Nayjeeriya ay ku guuleysato soo furashada qaar ka mid ah gabdhihii laga af-duubtay Chibok.

21 ka mid ah gabadhahaa laga af-duubtay Chibok ayaa lasoo daayay bishii Octobar ee sannadkii hore.

Wararka la xidhiidha sii deynta 82 kan gabdhood ayaa inta badan dadka Nayjeeriya aad usoo dhaweeyeen, iyada oo talabaadana ay amaantay kooxda u ololaysa soo daynta gabadha Chibok ee la baxday “noo soo celiya gabdhahayagii”.

Warbixin ay soo saareen koooxdu ayaa lagu sheegay in ay sugayaan shaacinta magacyad arasmiga ah ee 82 gabdhood si loo hubiyo in ay yihiin magacyadii hore loo diinwaan geliyey ee ahaa gabdhaha af-duubteen ee ay hore u shaacisay gudiga madaxweynahu u saaray arrinta gabdhihii laga af-duubtay Chibok.

Dhanka kale, hay’adda laan qeyrta cas ayaa sii baahisay sawirada qaar k mid ah 82 gabdhood ee la soo daayey.

bandhige@gmail.com