Haddii aan ragga qaarkii ahaan lahaa waxaan odhan lahaa ummadda rabitaakeedii waad aragtaane doorashada kharashkeeda inaga daaya Wasiir Faratoon

 

Wasiiirka wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland Yaasiin Maxamuud Xiir(farotoon), ayaa ka dareen celiyey soo dhoweyntii Guddoomiyaha xisbiga Kulmiye, ahna musharaxa Madaxweyne Muuse Biixxi Cabdi ugu soo dhoweeyey deegaanada ka tirsan gobolka Gabilay iyo Maroodi-jeex kadib markii isaga iyo wefti ay ka soo laabtay safar ay ku tageen dalka Itoobiya, Faratoon ayaa waxa uu soo jeediyey in ay haboon tahay in doorashada la iska dhaafo, maadaama ay shacabka muujiyeen cidda ay taageersan yihiin.

Wasiir Farotoon oo shalay ka hadlay magaalada Gabiley oo wafti uu guddoomiye Muuse Biixi hoggaaminayey oo uu isaguna kamid ahaa lagu soo dhaweeyey, ayaa ku indho daraan daray soo dhaweyntii loo sameeyey iyo tirada bulshadii usoo baxday, waxana sheegay  haddii aragtidiisa la qaadanayo inuu ku talin lahaa in kharashaadka doorashada la iska dhaafo, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi:

“Maanta waxan xasuustay maalin aan xajka tegay oo aan xaramka ku sigtay, waana markii labaad ee aan arko umad sidaas u xamaasadaysan, haddii aan ragga qaarkii ahaan lahaa waxan odhan lahaa umadda rabitaankeedii waad aragtaane doorashada kharashkeeda inaga daaya.”

Dadweyne aad u tiro badan ayaa waxa soo dhoweeyey weftigan oo shalay ku soo guryo noqday Somalialnd.

bandhige@gmail.com