Wefti masuuliyiin ah oo ka tirsan xisbiga KULMIYE, oo safar ku jooga dalka Jabuuti, Ayaa maanta booqday safaaradda Jamhuuriyadda Somaliland ku leedahay magaalada Jabuuti.

Wefti masuuliyiin ah oo ka tirsan xisbiga KULMIYE oo ay ka mid yihiin Xoghayaha Guud ee xisbiga Md. Faysal Cabdiraxmaan Madar iyo Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex ee Md. Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac (Hadhiye) oo safar ku jooga dalka Jabuuti,
Ayaa maanta booqday safaaradda Jamhuuriyadda Somaliland ku leedahay magaalada Jabuuti, halkaas oo ay ku qaabileen Safiirka, Safiir-ku-xigeenka iyo shaqaalaha safaaradda, iyagoo iska waraystay shaqada baaxadda leh ee ay safaaradu u hayso muwaadiniinta iyo guud ahaan dalka Somaliland.

Xigasho:SLNTV

Bandhige@gmail.com