Hambalyo, Duco & Dardaaran

Suldaan Samatar Suldan Ibraahim Jaamac Samatar Suldaanka guud ee Beelwaynta Maxamed case ayaa waxa uu hambalyo u dirayaa Madaxwaynaha cusub ee la doortay Amb. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi โ€œCiroโ€ iyo Madaxwayne Ku Xigeenka cusub la doortay Amb. Maxamed Cali aw Cabdi, waxana uu ku hambalyaynayaa guusha taariikhiga ee ay ka soo hooyeen doorashooyinkii Somaliland ka dhacay November 2024..

Sidoo kale waxaan u mahanqayaa bulsho wayntii kala duwanayd ee mucaarid iyo muxaafidba lahayd sida quruxda badan ee afkaartooda iyo aragtidooda u soo bandhigeen.

Ugu dambayntii waxa uu duco iyo dardaaranba ku soo gudaanaday, Madaxwayne & Madaxwayne Ku Xigeen waa xaqiiq oo waxa aad dhaxasheen dal soo koraya. Dal u baahan in nabada iyo amniga uu Eebe ku mannaystay loo adkeeyo. Dal ay dadkiisu maanta u baahan yihiin in la mideeyo, la waleeleeyo, lagana shaqeeyo wada-jirkooga. Dal u baahan in dhaqaalahiisa la kobciyo, dhalintiisana loo jiheeyo dhinaca hormarka iyo wax soosaarka. Dal u baahan in dunida lagu soo xidho, lagana samata-bixiyo goโ€™adoonka dublamaasiyadeed ee uu ku jiro, iyo sidoo kale dal qaba baahiyo tiro badan oo aanan halkan ku soo koobi karin, mid walbana u baahan tahay in mudnaanta la siiyo xal u helideeda.

Sidaas aawadeed Mudane Madaxwayne & Madaxwayne Ku Xigeen, masuuliyadaas aad xambaarteen Eebe ha idinku asturo, hana idinka dhigo kuwo waajibaadkooda guta. Ka Suldaan ahaana waxana aan ku rajo waynahay in aan yeelan doono wadashaqayn dhaw oo u adeegta masuuliyada na wada saaran aniga & idinkaba.

Eebe Talo Saarta, Hana Idinku Asturo Masuuliyadaas.
Aamiin Aamiin

Suldaan Samatar Suldaan Ibraahim Jaamac Samatar