Hargeysa: Furitaanka shirweynaha dib-u-eegista waxbarashada Somaliland

Madaxweyne-Xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil Saylici iyo Wasiirka Waxbarashada Yasiin Maxamuud Xiir Faratoon ayaa maanta Hargeyska ka furay Shirweynaha 4aad ee  dib-u-eegista waxbarashada Somaliland.

Shirkan ayaa aalaaba lagaga hadlaa waxqabadkii dhinaca waxbarashada sannadkii ina soo dhaafay, caqabadaha jira iyo cashirrada laga soo bartay.

Waxaa sidoo kale lagu falanqeeyaa tallaaboyinka iyo jihooyinka ugu muhiimsan ee la rabo in hore loogu qaado si wax looga qabto caqabadaha dhicana waxbarashada ka jira.

Shirkan ayaa sannadkiiba hal mar la qabtaa iyadoo ay ka soo qayb-galaan dhammaan daneeyeyaasha waxbarashada Somaliland.

Bandhige@gmail.com