Qaar ka mid ah haweenka Gobolka Maroodi-jeex ayaa waxay xaflad taageero ah u qabteen murrashaxa gollaha wakiillada ee 2017-ka Maxamed Cabdi Kariim oo ku magac dheerย Maxamed-Maarshaal, Xafladdan ayaa ahayd mid taageer iyo is-xog waraysi oo ay wada yeesheen haweenka iyo musharraxu.
Murrashax Maxamed Cabdi kariim waxa uu ka hadlay qodobo ay ka mid yihiin doorka haweenku ku leeyihiin bulshada, isaga oo tilmaamay in ay laf-dhabarta dalka yihiin, sida oo kale waxa uu xusay qiimaha midnimadu u leedahay bulshada iyo horumarka ay dadka iyo dalka u keeni karto, isaga oo hoga-tusaaleeyey khilaafka iyo kala qobqobnaantu cidhib xumada ay bulshada ku keento.
Waxa kale oo Murrashaxu uu ku nuuxnuuxsaday muhiimadda siyaasaddu u leedahay dhallinyarta iyo doorka horumarineed ee laga qaadan karo, waxa kale oo xusid mudnayd in Maxamed โMaarshaal uu si qoto-dheer uga hadlay hankiisa iyo waxa ku dhaliyey, sida oo kale waxa uu xusay in uu aqoonteedii uu leeyhay, waxana hadalkiisii ka mid ahaa:
โIn wax la doono oo wax la hungureeyo maaha wax ceeb ah oo xitaa diinteenu diidimayso, Nabi Yuusuf ayaa codsaday in uu xil u qabto boqorkii Masar, isaga oo dalbaday mansabka Wasiirka maaliyadda, ย Yuusuf waxa uu wax ku doonay sida aayaddu sheegtay in uu yahay qof aamin ah sida oo kale na yahay mid aqoonteeda leh, sidaa awgeed aan ahay nin dhalinyar ah oo ku habboon jagadaas, sida oo kale aan siyaasadda uuย leeyahay aqoon.โย
Maxamed-Maarshaal waxa uu ka hadlay doorkii uu ka soo qaatay taageerada guddoomiyaha xisbiga ahna murrashaxa madaxweyne ee Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, Musharaxu wuxuu ka xogwarramay xaaladda abaareed iyo dhaqan dhaqaale ee bulshadu ku sugan tahay, waxaanu yidhi:
โDadkeenu waaย xoolo dhaqato iyo beeralay, saddexdii sanno ee ugu dambeeyay roob hagaagsan lama helin oo beerihii meeshii way ka baxeen, xoolihiina abaar baa dhammaysay, sidaa darteed waa in ka hortaga la sameeyo oo aan la sugin abaaraha.โ
Ugu dambayntii musharraxu wuxuu ย baaq dheer u diray Ganacsatada, Xukuumadda , Culamaaโu diinka iyo hayโadaha in ay u gurmadaan bulshada tabaallaysan ee abaaruhu ku habsadeen waxaanu uu yidhi:
โWalaalaha muslimiinta ah ee wax haysta waa in ay dadkooda u gurmadaan, hanti waxa inoo ahayd, tiina abaar ayaa idlaysay.โ
Waxa uu Maxamed Alle uga baryey dalka in uu abaarta ka soo jabiyo. Ugu dambayntii waxa uu ka codsaday in ay taageero hiil iyo hooba uga baahan yahay bulshadiisa. Waxa kale oo uu hadalkiisa ku soo afmeeray in loo diyaar garoobo diiwaangalinta codbixinta.
Sida oo kale qaar ka mid ah haweenkii ka soo qayb galay ayaa aad u soo dhaweeyey murrashaxa iyaga oo ballan qaaday in ay taageero hiil iyo hooba la garab taagan yihiin, waxaanay aad u soo dhaweeyeen musharaxnimada Maxamed Maarshaal.