Markii ay Israa’iil duqayn ka bilowday koonfurta Lubnaan, Andaku (ma aha magaceeda dhabta ah) oo shaqaale guri u ahayd reer deganaa halkaa waxay aragtay iyada oo kaligeed ku jirta gudaha guriga oo dusha lagaga xidhay.
Haweeneydan oo 24 jir ah oo u dhalatay dalka Kenya ayaa 8-dii bilood ee la soo dhaafay waxa ay dalka Lubnaan uga shaqaynaysay shaqaale guri, balse waxa ay sheegtay in bishii u dambaysay ay ahayd tii ugu adkeyd, iyada oo ciidamada Israa’iil ay xoojiyeen duqeymaha ay ku hayaan waxa ay ku sheegeen bartilmaameedyada Xisbullah ee guud ahaan dalka. dalka.
“Waxaa dhacay qaraxyo badan dadkii aan u shaqaynayey waxay igu xidheen guriga waxayna u tageen si ay naftooda u badbaadiyaan,” ayay u sheegtay BBC News Arabic.
Dhawaaqa qaraxyada ayaa Andaku ku keenay murugo. Waxay naxdin ku jirtay maalmo ay kaligeed ku jirtay guriga ka hor intii aanay u soo laaban dadkii ay u shaqaynaysay.
“Markii ay soo noqdeen, dibadda ayay ii tuureen. Weligood lacag ima siin mana haysan meel aan tago,” ayay tidhi, waxayna intaas ku dartay inay nasiib u yeelatay inay haysato lacag yar oo ay ku raacdo baska caasimadda Beirut.
Sheekada Andaku kaligeed ma aha. Jimcihii la soo dhaafay, saraakiil ka tirsan Qaramada Midoobay ayaa sheegay in inta badan ku dhawaad 900 oo hoy oo laga baxay colaadda Israa’iil iyo Xisbullah awgeed, waxaa walaac laga muujiyey tobanaan kun oo u badan haween ka shaqeeya guryaha oo ajanebi ah.
Sida laga soo xigtay Ururka Caalamiga ah ee Socdaalka, waxaa Lubnaan ku sugan ku dhawaad 170,000 oo shaqaale muhaajiriin ah. Qaar badan oo ka mid ah waa haween ka yimid Kenya, Itoobiya, Suudaan, Sri Lanka, Bangladesh iyo Filibiin.
“Waxaan helnaa warbixinno isa soo taraya oo sheegaya in shaqaalaha soogalootiga ah ay dayaceen dadkii ay u shaqaynayeen Lubnaan, waddooyinka ama guryahooda looga tegay iyada oo dadkii guryaha lahaa ay cararayaan,” Mathieu Luciano, madaxa xafiiska IOM ee Lubnaan, ayaa u sheegay shir jaraa’id oo uu ku qabtay Geneva.
Shaqaale guri oo soo galooti badan ayaa u guura Lubnaan si ay u awoodaan inay taageero dhaqaale u fidiyaan qoysaskooda ku nool dalkooda.
Celceliska mushaharka shaqaalaha guryaha ee Afrikaanka ah ayaa lagu qiyaasaa inuu yahay ku dhawaad $250 (£191), halka shaqaalaha guryaha ee Aasiya ay heli karaan ilaa $450.
Shaqaalaha guriga ee soogalootiga ah ayaa lagu keenaa nidaamka Kafala (sponsorship) ee Lubnaan, kaas oo aan dammaanad qaadin xuquuqda shaqaalaha soogalootiga ah, una ogolaanaya loo-shaqeeyayaasha inay la wareegaan baasaboorkooda oo ay joojiyaan mushaharkooda. Waxay shaqo ka helaan wakaaladaha maxaliga ah.
“La’aanta ilaalinta sharciga ee nidaamka Kafala, oo ay weheliso dhaqdhaqaaqa xaddidan, waxay la macno tahay in qaar badan ay ku xannibmi karaan xaalado laga faa’iidaysto. Tani waxay keentay xaalado xadgudub, go’doon, iyo dhaawac maskaxeed oo soo gaadhay shaqaalaha muhaajiriinta ah,” ayuu yidhi afhayeenka IOM Joe Lowry.
“Intaa waxaa dheer, waxaan la soconaa kiisas muhaajiriin ah oo lagu xidhay guryaha muwaadiniinta Lubnaan ee cararaya, si ay u ilaaliyaan hantidooda,” ayuu raaciyay.
Meel aad tago ma jirto
Mina sidoo kale waa gabadh kale oo magaceeda qarisay kana ka timid Uganda waxayna shaqaale guri ka ahayd Lubnaan muddo hal sano iyo afar bilood ah.
Waxay BBC-da u sheegtay inay si xun ula dhaqmeen qoyskii ay u shaqaynaysay oo ay go’aansatay inay baxsato oo ay ku noqoto hay’addeeda.
Iyada oo rajaynaysa in ay hesho caawimo, Mina waxa ay sheegtay in ay aad uga naxday markii ay ogaatay in ay qasab ku tahay in ay qoys kale ugu shaqeyso qandaraas laba sano ah ka hor inta aanay guriga ku laaban.
Mina oo 26-jirkan waxay La nooshahay dhawaqa qaraxyada ee isdaba jooga ah kuwaas oo u horseeday in caafimaadka maskaxda ee Mina uu saameeyo. Waxay awoodi weyday in ay si sax ah u qabato hawlihii guriga loogu igmaday, sidaa awgeed waxa ay ka codsatay cida ay u shaqayso in ay fasaxdo si ay u tagto.
Waxay u shaqaynaysay qoys jooga Baalbek, magaalo ku taal dooxada Bekaa ee waqooyi bari Lubnaan.
Waxay tidhi “Qoysku way i garaaceen, waa ay ii riixeen dibadda oo ay ii tuureen…Bambooyin aad u badan ayaa xilligaas dhacay. Markii aan baxay, ma haysan meel aan tago,” ayay tidhi.
Shaqaale kale oo ka soo jeeda Kenya, Fanaka, oo 24 jir ah, ayaa sheegtay in hay’addeedu ay u diri doonto in ay ka shaqeyso guryo kala duwan labadii biloodba mar isla markaana ay la kulantay madax xanuun joogto ah.
Haweenkan ayaa sheegay in ay la kulmeen caqabado badan intii ay ku noolaayeen waddooyinka, maadaama guryo badan ay diideen in la geeyo, iyaga oo ku andacoonaya in loo qoondeeyay dadka barakacayaasha ah ee Lubnaan oo aysan ahayn ajaanib.
Codad la duubay oo BBC-da loo soo diray, shaqaale muhaajiriin ah oo ka yimid Sierra Leone ayaa sheegay in daraasiin ka mid ah ay weli ku go’doonsan yihiin waddooyinka Beirut ayna aad ugu baahan yihiin cunto.
Qaar kale ayaa warbaahinta maxalliga ah u sheegay in loo diiday inay galaan hoyga ay dawladdu soo abaabushay ee iskuullada, sababta oo ah ma ahLubnaani.
BBC-da ayaa la xidhiidh maamulka deegaanka, kuwaas oo diiday nooc kasta oo takoorid ah.
Ilo-wareedyo ka tirsan wasaaradda waxbarashada ayaa BBC-da u sheegay: “Ma jirto xarumo gaar ah oo loo qoondeeyay shaqaalaha ajaanibka ah ee gudaha ka shaqeeya, balse isla mar ahaantaana looma diidin inay galaan.
Waxaa la fahamsan yahay in shaqaalaha qaar ay ka fogaanayaan hoyga rasmiga ah, iyaga oo ka baqaya in ay saameyn ku yeelato dukumeentigooda sharci ee aan dhameystirneyn.
Tan iyo bilowgii Oktoobar, IOM waxay heshay in ka badan 700 oo codsiyo cusub ah oo ka yimid dadka raadinaya caawinta inay ku noqdaan dalalkii ay ka yimaadeen.
Ms Korban ayaa sheegtay in Caritas, oo ay weheliyaan NGO-yo kale, ay caawinayaan shaqaalaha guriga ee la dayacay ee doonaya inay baxaan iyaga oo la kaashanaya IOM, safaaradaha iyo qunsuliyadaha kala duwan, iyo adeegyada ammaanka ee Lubnaan.
Xigasho:wargeyska dawan
bandhige@gmail.com