Haโ€™yadda Qaramada Midoobay ee Carruurtu waxay walaac weyn ka muujisay xaalada carruurta Xalab

Hay’adda Qamada Midoobey ee sanduuqa badbaadada carruurta ee UNICEF ayaa ugu baaqday dawladda Ingiriiska in si deg deg ah loo daad gureeyo carruurta qaxootiga ah ee aysan la socon waalidiintooda ee ku jira xerada muhaajiriinta ee ku taala woqooyiga Faransiiska.

UNICEF waxay sheegeysaa in hadalka madaxweynaha Faransiiska ee Hollande ee ahaa in xeradaasi oo u dhow magaalada Calais, ay tahay in la xidho, arrintaa oo sababi karta bey tidhi in carruurta halkaasi ku jirta ay baxsadaan oo la waayo meel ay tegaan.

Hay’addan ayaa intaasi ku dartay in xaaladda ay ka digeyso mid la mid ah ay dhacday kal hore sannadkan kadib markii la burburiyay qaybo ka mid ah xeradan muhaajiriinta.

Hay’adaha samafalka ayaa saadaalinaya in ku dhawaad 200 oo carruur ah oo ku nool xeradaasi ay u xaq u leeyihiin in ay Ingiriiska galaan.

bandhige@gmail.com