Hay’adda Qaramada Midoobey ee WFP ayaa ku guulaysatay Abaalmarinta caalamiga ah ee nabadda oo maanta lagu dhawaaqay.
Guddida xulista ee Nobel Peace Prize ayaa hay’adda cuntada adduunka ku tixgelisay dadaalka ay kaga hortegeyso in gaajada laga dhigto hub loo adeegsado dagaalada iyo khilaafaadka.
Cidda abaalmarinyan ku guulaysata waxaa la siiyaa lacag dhan 1.1 Milyan oo doolar.
Dad badan oo madax caalamiyi ku jirto ayaa sannadkan u sharraxnaa Abaalmarinta Nobel Peace Prize.
Xigasho: Marjaan Tube