Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Ayaa Gobolka SAAXIL ka bilawday Diiwaan-galinta Xubnaha Shaqo qaran iyo Hubinta Shaqaalaha Dawladda ee Hore Loo Diiwaangaliyay

Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Ayaa Gobolka SAAXIL ka bilawday Diiwaan-galinta Xubnaha Shaqo qaran iyo Hubinta Shaqaalaha Dawladda ee Hore Loo Diiwaangaliyay.

 

Berbera:(CSC)- Wafdi  ka socda Xarunta Guud ee  Hay’adda Shaqaalaha Dawladda,ayaa waxay gobolkii Saddexaad ka fuliyeen Diiwaan-galinta Shaqo qaran iyo Hubinta Shaqaalaha rasmiga ah ee Dawladda,iyaga  dhicana kalena kullan la qaatay Isu-duwayaasha Laamaha Dawladda ee Gobolka Saaxil.

 

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Shaqaalaha Dawladda,Xamse Suldaan Addan,ayaa ka war-bixiyay Hawlaha shaqo ee ay u socdaan.

 

Kullanka dhex-maray Ius-duwayaasha Gobolka Iyo Hay’adda Shaqaalaha ayaa waxa layskula jeex-jeexay muhiimadda wada-shaqayneed ee Laamaha Dawladda Gobolka iyo kor-u-qaadista adeegyadda Bulshadda ee au xafiisyaddaasi hayaan.

 

Isu-duwayaasha,ayaa waxay halkaas ku soo bandhigeen qaabka ay u fuliyaan shaqooyinka ay masuul ka yihiin iyo baahiyaha ay tabayaan in laga taageero.

 

Masuuliyiinta Hay’adda shaqaalaha ayaa waxay sheegeen in waxii baahiyaha ee ay qabaan Isu-duwayaashu ay ay la wadaagi doonaan Madaxda ay khusayo,waxii Hay’ad ahaan kaga aaddana ay kula noqon doonaan Madaxda sare ee Hay’adda.

@CSC Media.