Hay’adda Waddaniga ee Y-PEER waxay tabobar u qabatay macallimiinta jaamacadaha caafimaadka Hargeysa

 

Hay’adda Waddaniga ee Y-PEER oo ay taageerayso Hay’adda Qaramada Midoobay u Qabilsan AIDS-ka ayaa maanta tabobar u furay macalimiinta wax ka dhiga jaamacadaha lagu dhigto caafimaadka ee ku yaalla magaalada Hargeysa.

Tabobarku wuxu diiradda saarayayaa sidii ay macallimiintu u xoojin lahaayeen wacyigelinta la xidhiidha xanuunka HIV/AIDS, gaar ahaan xidhiidhka ay leeyihiin xanuunka HIV iyo xanuunada taranka iyo galmada.

Kulankan waxa furay Sahra Guuleed oo ah sarkaalad ka socotay Komishanka Xakamaynta AIDS-ka “SOLNAC”.

Sahra Guuleed waxay sharaxaad kooban ka bixisay waxqbadka Komishanka AIDS-ka iyo siyaasadaha iyo xeerarka diyaarka ah ee la xidhiidha HIV iyo AIDS ee hor yaalla goleyaasha Wasiirrada iyo Baarlamaanka.

Sidoo kale waxay ku dhiirigelisay macallimiinta in ay noqdaan kuwii ka qayb qaadan lahaa xakamaynta HIV-ga isla markaana ka hor tagi lahaa takooridda lagu sameeyo dadka la nool HIV, taas oo sababi karta in uu sii kordho fiditaanka HIV-gu.

Waxa isaguna madasha ka hadlay Agaasimaha Fulinta ee Y-PEER Maxamed Mahad Dhamac isagoo u jeediyey macallimiintu in ay wacyigelinta HIV-ga la xidhiidha dhex geliyaan waxbarashada caafimaadka ee ay ka dhigaan jaamacadaha ay macallimiinta ka yihiin, maadaama HIV-gu uu si gaar ah xidhiidh ula leeyahay dhallinyarada.

Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cusmaan oo ahaa tabobaraha hoggaaminayey aqoon-is-weydaarsiga ayaa ku dheeraaday muhiimadda ay macallimiinta jaamacaduhu u leeyihiin xakamaynta HIV-ga iyo sida ay farsamo ahaan arrinkan u fulin karaan iskuna dhex gelin karaan waxbarashada guud ee caafimaad iyo wacyigelinta la xidhiidha HIV.

Bandhige News

Bandhige@gmail.com