Helikabtar ay leeyihiin Bakistaan ayaa waxay ku burburtay dalka Afqaanistaan

Helikabtar lagaga leeyahay waddanka Bakistaan ayaa waxay ku burburtay waddanka Afqaanistaan, helikabtartan ayaa waxa saarnaa lix oo dhammaantoodba caafimaad qaba oo aanay waxba soo gaadhin.

Wasaaradda arrimaha dibedda ee dalka Bakistaan ayaa sheegtay in qofka Ruushka u dhashay oo hagayay diyaaradda iyo shanti qof ee kale ee u dhashay Bakistaan, ay dib ugu soo laabteen magaalada Islamabad sagaal cisho kadib markii ay shil gashay,

Dalalka Bakistaan iyo Afqaanistaan waxa uu dhaxeeya xidhiidh aan wanagsaneyn, balse labada dalba waxa ay xaqiijiyeen in diyaaradan helikabtarta ay leedahay dawlad gobaleedka Punjab, ay haysatay ogalaansho ah in ay isticmaasho hawada Afqaanistaan.

Waxa ay u socotay dalka Ruushka oo lagu waday in lagu soo dayactiro markii ay ku dhacaysay gobolka Logar.

Waxa jiro warar aan la xaqijin oo sheegaya in lix qof oo saarneyd diyaaradda, ay gacan galeen kooxda Taaliban.

Raysal-wasaraha Bakistaan waxa uu sheegay oo keliya in ay isticmaalayaan wada walba oo ay dadkaasi ku soo deyn karaan, balse tallaabadaasi ayaa haatan lagu guuleystay.

Xukuumadda Islamabaad ayaa sheegeysa in dadkaasi laga soo daayay xadka, iyaga oo kala badalashadana ay dhexdhexaadiyeen qaabil halkaa deggan.

Xukuumadda Islamabaad ayaa sheegtay in dadkan lagu sii daayay dhexdhexaadin ay sameeyeen kaaba-qabiillada ku nool soohdinta Bakistaan iyo Afqaanistaan.

bandhige@gmail.com