Hillary Clinton waxay guul-darradeedii ku eedaysay agaasimaha FBI-da

Hillary Clinton ayaa sheegtay in guul -darradeedii madaxtinimada Maraykanka ay keentay faragelin uu ku lahaa doorashada agaasimaha FBI-du.

Hillary Clinton waxay sheegtay in dhawaaqii agaasimaha FBI-da, James Comey, ee ahaa in baadhitaan cusub lagu bilaabayo adeegsigeedii email-lada markii ay ahayd Xoghayaha Arrimaha dibedda wax yar uun ka hor maalintii doorashadu dhacaysay, uu ahaa talaabadii joojisay xawligii uu ku socday ololaheedii doorashadu.

Clinton oo u tartamaysay Xisbiga Dimuqraadigu, waxay hadalkan sheegtay iyadoo telefoon kula hadlaysay qaar ka mid ah dadka deeqaha siiya xisbiga, hadalkaas sirta ahna waxa markii markii dambe heshay warbaahinta.

Kooxdii agaasimaysay ololaheeda ayaa sheegay in kastoo Hillary Clinton markii dambe lagu waayey wax fal dembiyeed ah, in haddana tallaabadaasi FBI-du soo noolaysay eeddayntii Trump ee ahayd in musharaxa Dimuqraadiga uu ilaalinayo nidaamka dawliga ah ee Maraykanka ee musuqu galay.

Weli waxa socda mudaharaadada lagaga soo horjeedo guusha ninkii ay loolameen ee Donald Trump.

bandhige@gmail.com