Musharraxa madaxtinnimada ee xisbiga Dimuqraadiga ee dalka Maraykanka Hilary Clinton ayaa waxay sheegtay in aysan dadweynaha la wadaagin markii ay ogaatay in uu ku dhacay xanuunka oofwareenka maadama aysan wax weyn ka soo qaadin xanuunkkaasi oo sahlaysatay markii uu ku dhacay balse ay mar dambe ay l diiday. .
Clinton ayaa wajaheysa camaabareyn xooggan maadaama aysan shaaca ka qaadin xanuunkaasi markii lagu arkay Jimcihii. Waxaa la ogaaday in ay qabto xanuunkaasi Axaddii markii ay meel fagaara ah ku diiday kadibna loola cararay cisbitaal.
Waxay ku sugnayd goob lagu xusayay sannadguuradii 15-aad ee weerarkii lagu qaaday daaraha mataanaha ee New York.
Munaasabadda oon dhammaanin ayay baxday, iyadoo dhinaca gaadhigeeda u sii socota ayayna kuftay waxaase garbaha qabtay kaaliyeyaasheeda.
Iyadoo la hadlaysay telefishinka CNN ayaa waxa ay sheegtay in aysan raacin tallada uu dhakhtarkeeda siiyay Jimcihii oo ahayd in ay iska nasato muddo shan maalmood ah.
Xafiiska ololaha Clinton ayaa sheegay in aysan qabin xanuun kale oo aan ahayn oof-wareen, dhawaanna uu xafiiska shaacin doona faahfahin ku saaban xaaladeeda caafimaad.
Waxaa lagu waday in ay Isniinta u safarto gobalka California si ay u jeediso khudbad ku saabsan dhaqaalaha.Musharraxa ay is hayaan ee Jamhuuriga, Donald Trump, waxa uu kol hore ku dooday in caafimaad ahaan Clinton aysan u qalmin in ay Madaxweyne noqoto.