Maxkamad ku taalla waqooyiga Hindiya ayaa xukuntay in qaanuunka dalkaas aysan waafaqsanayn, dhaqanka Muslimiinta ee ah in ay ragu xaasaskooda dalaaqi karaan saddex jeer.
Maxkamadda sare ee Allahabad waxay sheegtay in arrintaasi ay meel ka dhac ku tahay haweenka Muslimiinta.
Maxkamadda ugu sarreysa dalka Hindiya ayaa dhageysaneysa dacwad kale oo gaar ah oo lagu diidan yahay dalaaqada seddaxda jeer ah.
Muslimiinta ayaa sheegaya in doodan ku saabsan dalaaqada si aan xaq ahayn loogu bartilmaameedsanayo Muslimiinta Hindiya.
Muslimiinta Hindiya ayaa lagu qiyaasaa 13% dadeynaha dalkaas. Waxaa dalkaasi ku nool 1.3 bilyan oo qof.