Hoggaanka KULMIYE oo kulan la Qaatay Hoggaanka Garabka Haweenka Gobolka Gabiley

Hargeysa(Dawan):-Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee xisbiga KULMIYE , Mudane Cabdicasiis Maxamed Samaale iyo Guddoomiye ku-xigeenka 2aad ee xisbiga Md. Axmed Cabdi Xuseen (Axmed Cabdi-dheere) oo ay weheliso xoghayaha garabka haweenka heer qaran, marwo Sahra Saleebaan Cawil, ayaa xafiiska xarunta dhexe ee xisbiga KULMIYE kulan kula qaatay masuuliyiinta Garabka Haweenka xisbiga ee degmooyinka uu ka kooban yahay Gobolka Gabiley sida degmada. Gabiley, Wajaale, Allaybaday, Arabsiyo, Agabar iyo Geed-ballaadh.

Kulankaas waxay Hoggaanka xisbiga iyo xubnaha Garabka Haweenku kaga wadahadleen daradargelinta hawlaha xisbiga ee u diyaargarowga doorashooyinka Madaxtooyada iyo Ururrada Siyaasadda ee dalka.

 

 

 

Xigasho:wargeyska dawan Bandhige@gmail.com