Hoggaanka Xisbiga KULMIYE wuxu kulan la qaatay Dhallinyarada Bariga Hargeysa

 

Hoggaanka sare ee xisbiga KULMIYE, ayaa kulan ballaadhan la qaatay dhallinyarada deegaannada bariga caasimadda Hargeysa.

Kulankan oo ahaa casuumad casho uu bixiyey Guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee xisbiga KULMIYE Axmed Cabdi Dheere oo ka dhacday huteelka Guuleed xalay, kuna wehelinayeen xubno ka mid ah madaxda xisbiga oo ay ka mid yihiin Guddoomiye-ku-xigeenka saddexaad Md. Xuseen Aadan Cadde, Wasiirkii hore ee Kalluumaysiga Cabdillaahi Geeljire, Aqoonyahan Maxamed Cali Bile, Siyaasi Cabdillaahi Bakayle, Guddoomiyaha Degmada Gacan-libaax ee xisbiga iyo masuuliyiin ka tirsan kuwa gobolka iyo garabka haweenka, waxay ku qaabileen boqolaal dhallinyaro isugu jira rag iyo dumar oo ka soo jeeda degaannada bariga Hargeysa.

Masuuliyiinta xisbiga KULMIYE iyo dhallinyaradaasi oo badankoodu ka mid yihiin aqoonyahanka jaamacadaha waxay iska xog-waraysteen xaaladaha dalka ee kala duwan, siyaasadda iyo arrimaha doorashooyinka, waxaanay madaxda KULMIYE si gaar ah ugu sharraxeen hawlaha xisbiga ee u diyaargarowga doorashada madaxtinimada ee qorshaysan 13 bisha November ee sannadkan 2017 iyo muhiimada xisbigu siinayo da’yarta ee dhinacyada horumarintooda, shaqo-abuur loo sameeyo iyo tayeynta aqoontaba.

Dhankooda dhallinyaradu waxay soo dhaweeyeen kulanka uu la yeeshay xisbiga KULMYE iyo tixgelinta gaarka ah ee uu siiyey, waxaanay xubno halkaasi uga hadlay isku raaceen in ay taageero buuxda u hayaan xisbal-xaakimka oo ay diyaar u yihiin inay doortaan murrashaxiisa Madaxweynaha Muuse Biixi Cabdi oo ay u arkaan inuu yahay murrashaxa ugu habboon inuu hoggaamiyo dalka.

bandhige@gmail.com