Huwanta Laascaanood ka Dagaallamaysa Intan u Sheega W/Q: Cali Cabdi Coomay

= Ma jiraan jabhaddo bilo ku burburiya dawlado muddo badan soo dhisnaa, burburinta dawladuhu muddo ayey qaadataa. Tusaale ahaan SNM waxa ay ku qaadatay inay taliskii dhiigyo cabka ahaa ee MSBarre burburiso toban sanno (1981โ€”1991). Halka USC ay ka faaโ€™iidaysatay burburkii oo uu Caydiid jiidhay ciidamadii niyad jabsanaa (1990โ€”1991).

= Jabhaduhu waxa ay dabada geliyaan dawladdo kale si ay uga helaan taagaaro dhaqaale iyo mid milatari, taasina kama muuqato huwantan Laascaanood tolaayeeyda ku soo gashay. Wax kasta oo ku abuurma laab-la-kac iyo caaddifad wuxuu ku biyo shubtaa hungo iyo halaag.

= Deegaannada ay Laascaanood ku taal waxa qixid ugu dambaysay 100 sanno ka hor (1923โ€”2023) waana jabkii Daraawiishtii Ina Cabdille Xasan, markaa dadkaasi khibrad uma laha qixid iyo qalaalasaha barakacu leeyahay. Wakhtigii dawladdii Kacaan dagaalladu ku socdeen iyo wixii ka dambeeyey may arag dagaal iyo qixid, taasina waa ta keentay inay si yar oo fudud dagaal u galeen.

Cali Cabdi Coomay

Suxufi, qoraa ah.

Hargaysa, Soomaalilaan

Calicoomay@gmail.com