Iiraan: Markab dagaal oo si Khalad ah u burburiyey Markab kale, waxa ku dhintay 19 qof

Markab nooca wax burburiya ah ee loo yaqaad “Destroyer” oo Iiraan leedahay ayaa si kadis ah oo aan ku talogal ahayn ugu dhuftay gantaal markab dagaal oo kale oo isla Iiraan leedahay, xilli uu marayay xeebta Gacanka Carbeed, halkaas oo ay ku dhinteen ugu yaraan 19 qof ayna ku dhaawacmeen daraasiin, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay ciidamada badda ee Iiraan oo laga sii daayay telefishanka dawladda Iiraan.

Markabka dagaalka “Konarak” ee Iiraan ayaa “si qalad ah” loogu bartilmaameedsaday gantaal uu ku dhuftay burburiyihii “Jamaran” intii lagu jiray hawlgal militari oo ka dhacay Gacanka Cumaan gelinkii dambe ee Axadii, TV-ga dawladda Iiraan ayaa wariyey horaantii Isniinta, ka dib markii cajalado laga soo duubay suxufiyiinta maxalliga ah.

Xogaha ay Sawrac Media helayso ayaa sheegaya dhawr saacadood ka dib, ciidamada badda ee Iiraan ayaa ku dhawaaqay in ugu yaraan 19 qof lagu dilay waxa ay ku tilmaameen shil saaxiibtinimo oo aan ku talogal ahayn. Warku wuxuu intaa ku daray in 15 kale oo badmaaxiin ah ay dhaawacmeen.

A combined image released by Iran's Press TV reportedly showing the 19 sailors who were killed int he incident. (Press TV, Twitter)
Sawirka ayaa waxa baahiyey TVga dawladda Iiraan, waa qaar ka mid ah askartii ku geeriyootay markabka

Xigasho: Sawrac Media