“Inaynu Cirro Iyo Muuse maanta tartansiinaa waa dambi” Ambassador Cawil Cali Ducaale

 

Siyaasiga ruug-caddaaga ah ee reer Somaliland, kana mid ah xisbiga KULMIYE Amb. Xuseen Cali Ducaale (Cawil) oo hadal quluubta taageerayaasha KULMIYE si weyn u soo jiitay halkaas ka jeediyey, ayaa si weyn u ammaanay hawlkarnimada iyo iyo sida uu u yahay mid caddaaladda ummadda ka shaqayn doona haddii uu hoggaanka dalka qabto, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi:

“Waxaan aad ugu faraxsanahay taageerada laxaadka leh ee aad murrashaxeenna Muuse Biixi u muujiseen, midna ogaada oo codka aynu maanta siino murrashax Muuse Biixi waa hiil ummadeed, dariiq dheer oo xannuunkiisa lehna waynu soo marnay, laakiin maanta meel fiican baynu soo gaadhay, bani’aadamkuna had iyo jeer waxa uu haysto ma arko’e waxa qabyada ah ee ka maqan buu arkaa, maantana umaddeenu sinnaan, caddaalad, xaqsoor iyo midnimo ayey u baahan tahay, intaba waxa dammiin ka ah Muuse Biixi.”

Halkan hoose ka daawo muuqaalka warkan: 

bandhige@gmail.com