Inqilaab ka socda Suudaan

Milatariga Suudaan ayaa saaka guri ku xabisay Ra’iisal-Wasaarihii rayidka ahaa ee dalkaas iyo xaaskiisii, gurigaas oo aan la garanayn goobta uu ku yaallo. Xadhiga ayaa sida muuqata ka dambeeyey kadib markii sida muuqata Inqilaab dhacay.

Dadweyne tiro badan ayaa la sheegayaa ay durtaba dariiqyada u soo baxeen, iyagoo ka soo hor jeeda inqilaabka. Hase ahaatee ciidamada ayaa la sheegayaa in ay aad u kala didiyeen dadkii, inqilaabkaasina aanu wali tamarin.

Wasiirkii Warfaafinta ee dalkaas ayaa sheegay in Ra’iisal-Wasaare Cabdalle uu ku gacan saydhay codsi kaga yimid milatariga, kaas oo ay ku codsanayeen in uu inqilaabka taageero. Taas beddelkeeda, cod uu ka soo dubay guriga lagu xabisay wuxu dadweynaha kaga codsaday in ay dariiqyada isugu soo baxaan, dareenkooda diidmada ahna si nabadgalyo ah u muujiyaan.

Wixii faahfaahin soo kordha halkan baan idiinku soo gudbin karnaa.

Bandhige@gmail.com