Is-bahaysiga musharaxiinta Kulmiye oo ku dhawaaqay in aanay ka qayb galayn Shirka Golaha Dhexe

Isbahaysiga musharaxiinta Kulmiye ee hankoodu yahay Madaxweynenimada, kuwaas oo kala ah Axmed Nuur Kijaandhe, Cabdicasiis Maxamed Samaale iyo Maxamed Biixi Yoonis ayaa shaaciyey in aanay ka qayb galayn Shirka Golaha Dhexe ee lagu waddo in uu ka furmo Hargeysa maalinta Salaada ee 10-ka Noofambar.

Musharaxiinta ayaa ku sababeeyey in aan shirkaasi loo raacin xeer-hoosadka xisbiga, sidoo kale taageerayaasha musharaxiintan ayaa maalmihii ugu dambeeyey dalbanayey in dib loo dhigo Shirka Golaha Dhexe.

Dalabka Isbahaysiga musharaxiinta iyo taageerayaashooda ayaa u muuqda mid aan dhag jalaq loo siin, taasina ay keentay in ay maanta ku dhawaaqaan in aanay ka qayb galayn shirwaynaha golaha dhexe ee Kulmiye.

Dadka ka faallooda arrimaha siyaasadda Somaliland ayaa falanqayntoodu u badneyd in murashaxiintan ka hadhay tartanka Golaha Dhexe ay guul u tahay Guddoomiye Muuse Biixi, ciyaaraha Golaha Dhexe ee Kulmiye-na ay tahay gool-ku-laag maadaama aany jiri doonin cid tartamaysaa.

Tani maaha markii ugu horeysay ee ay xisbiga Kulmiye ka dhacdo in musharaxiin ka cadhoodaan. Hore waxay ugu dhawaaqeen markii Madaxweyne Siilaanyo lagu dooranayey in uu noqdo Kulmiye musharax oo rag badani u sharaxnaayeen jagadda Madaxweyne-ku-xigeenka laakiin looma joojin guushiina waa ay raacday intii ku hadhay xayndaabka shirka.

bandhige@gmail.com