In ka badan malaayiin qof oo ka soo horjeeday inqilaabkii fashilmay eek a dhacay Turkiga bishii hore ayaa waxay isku soo baxeen magaalada Istanbuul halkaas oo cambaareyn xoogan ka muujiyeen inqilaabkaas.
Sidoo kale waxa mudaharaadkan ka qayb galay hoggaamiyayaasha laba xisbi mucaarid ee ugu waa weyn iyo madaxda ciidamada oo dhammaantood garab taagnaa Madaxweyna Turkiga Recep Tayyip Erdogan.
Madaxweynaha ayaa dad tiro badan oo lulaya calanka dalkaasi waxa uu u sheegay in uu dib u soo celin doono xukunkii dilka ahaa ee 1984-kii laga mamnuucay dalkaasi, waa haddii buu yidhi baaralamanka uu arrintaasi ansixiyo.
Jarmalka ayaa Turkiga uga digay arrintaasi, isaga oo sheegay in haddii sharcigaasi la soo celiyo ay arrintaasi soo afjarayso rajada Turkiga uu ka qabo in uu ku biiro Midowga Yurub.
Madaxweyne Erdogan ayaa khudbaddiisa ku sheegay in dalka laga nadiifin doono taageerayaasha wadaadka Fatxulah Gulen ee fadhigiisu yahay Maraykanka. Wadaadkan ayaa dhowr jeer oo hore beeniyay in uu soo abaabulay inqilaabkaasi milatari.