In kasta oo saygeedu uu si ba’an uga soo hor jeedo soo-galaytiga isla markaana uu ku hanjabay in haddii uu madaxweyne uu noqdo uu qof walba ku celin doono halkii uu asal ahaan ka yimid, haddana Melania Trump lafteeduย waa qaxooti ka timid waddanka Slovenia. Haatana waxa laga yaabaa in loo qabsado sifadii ay dalka ku soo gashay iyo in ay jebisay sharciga Maraykanka markii ay codsanaysay waddaninimada Maraykanka taas oo keeni karta in dalkeedii dib loogu mastaafuriyo.
Kadib markii toddobaadkii hore ay jariiradda New York Post baahisay in sawirada Milania Trump oo mudh iyo gacan ah oo ku sawiran jaldiga sare ee jariiraddaas nuqul ku taariikhaysan 1996-kii ayaa waxa dood cusubi ka dhalatay sidii ay haweenaydani ku timid dalka Maraykanka.
Sawirada qaawan oo la soo bandhigay oo ahaa kuwo laga argagaxo ayaa sida muuqata waxa la qaaday wakhtigii ay Melania Trump u sheegtay CNN-ta in ay Maraykanka soo gashay. Haatan waxa la isku haystaa wargeyskaasi markii uu sawirayey ma bilaash bay ku shaqaynaysay mise lacag bay qaadanaysay. Haddii ay lacag qaadanaysay waxa la baadhi doonaa sharciga u oggolaaday in ay ka shaqayso Maraykanka iyadoo sheegtay in ay dhawrkii biloodba mar ku noqon jirtay dalkeeda taas oo muujinaysa in nooca fiisaha ee ay haysatay uu ahaa mid aan oggolaanayn in qofku shaqeeyo.
Melania Trump oo Khamiistii qoraal kooban ku daabacday barta ay ku leedahay Twitter-ka waxay tidhi:
“Waxan rabaa in aan saxo dadka ku sheekaynaya sharcigii socdaalka ayay jebisay. Anigu mar walba sharci ayaan ku joogayey dalka Maraykanka, waxan ahaa soo-galayti sharci ah, waanan ku faraxsanahay in 2006-dii aan noqday muwaadinad Maraykan ah isla markaana aan halkan qoys ku noqday. Sida saygaygu u jecel yahay Maraynka ayaan aniguna u jecelahay.”
Murankan cusub ee ku saabsan sidii ay Melania Trump ku soo gashay dalka Maraykanka wuxu ka farxiyey dadka soo-galaytiga ah ee Maraykanka oo saygeedu uu hadh iyo habeen cay iyo haaraan la daba taagan yahay isaga oo aan marnaba xasuusan in xaaskiisu ay mar ahayd soo-galayti bilaa sharci ah.
Bandhige News
Bandhige@gmail.com