Isuduwaha Komishanka Xakamaynta HIV/AIDS-ka ee gobolka Saaxil oo ay weheliyaan shaqaalaha Komishanka ayaa Wacyigalin ka sameeyay degmada Mandheera iyo Magaalada Lafo-ruug.

Isuduwaha Komishanka Xakamaynta HIV/AIDS-ka ee gobolka Saaxil oo ay weheliyaan shaqaalaha Komishanka ayaa Wacyigalin ka sameeyay degmada Mandheera iyo Magaalada Lafo-ruug.

Isuduwaha iyo kooxda wacyigalinta Komishanka xakamaynta HIV/AIDS-ka ee Gobolka Saaxil ayaa saaka Barnaamijka Baraarug ka bilaabay dugsiga sare ee mandheera ee Degmada Abdaal

Halkaas oo ay wacyigalin balaadhan ka sameyeen Komishanka Qaranka ee Xakameynta HIV/AIDS-ka Gobolka Saaxil iyagoo ku wacyi galiyey ardeyda inay muhiim tahay in lays baadho, qof iyo bulsho ahaanba sidoo kale in la ilaaliyo oo aan la takoorin dadka la nool xanuunka.

Isuduwe Khadra Cabdilahi ayaa ku dheeraatay in lagu baraarugsanaado xanuunkan iyo siyaabaha uu ku gudbo si looga hortago, ardayduna ay aqoon u lahadaan, sidoo kalena in aan la takoorin dadka la nool xanuunka oo ay kala simanyihiin xuquuqda qof ka caafimaadka qaba.

Waxa ay kulamo la yesheen maamulada xarumaha caafimaadka ee Hooyada iyo dhalaanka Abdaal iyo Lafa-ruug.