Itoobiya waxa lagu soo rogay xaalad deg deg ah, kadib markii uu iscasilay Raysal-wasaarihii

 

Golaha Wasiirada Itoobiya ayaa ku dhawaaqay xaalad deg deg ah oo dalka la gelinayo muddo seddex bilood, taas oo ka bilaabmaysay shalay oo Jimce ahayd.

Warkan, ayaa laga sii daayay idaacadda afka dowladda ku hadasha.

Warka uu goluhu soo saaray ayaa lagu sheegey in arrintani looga gol leeyahay sidii loo illaalin lahaa dastuurka, nabad galyada iyo xasilloonida dalka Itoobiya.

Waxa sidoo kale lagu caddeeyay warka in xaaladdani deg dega ah ee la geliyay Itoobiya ay sidoo kale sababteeda laheyd qalalaasihii qowmiyadaha qaar u dhaxeeyay ee Itoobiya ka dhacay, kuwas oo sababay dhimashada dad rayid ah.

bandhige@gmail.com