Dawladda Itoobiya ayaa sheegtay in ay ka hortagtay weerary ay qaadeen koox ay taageerto Eritereya.
Weerarka waxa lagu qaaday mashruuc lagu hormarinayo biyo xidheen ku yaalla Itoobiya.
Ciidamada Itoobiya waxay sheegteen in ay dileen 13 ka mid ah kooxda weerarka qaaday.
Sida uu lagu qoray barta dawladda xidhiidhka la leh ee Fana, kooxda waxay ka mid yihiin mucaarid ku sugan dalka Eritereya.
Mucaaridka oo ka soo jeeda qoomiyad lagu magacaabo Benishangul Gumuz, waxay ku sugan yihiin meel ku dhow xuduudda Sudan halkaas oo ah meesha biyo xidheenka laga dhisayo, sida Fana ay sheegtay.
Mashruuca oo ah mid aad u ballaadhan ayaa la dhameystiray boqolkiiba 50, wuxuuna dhaliyay qalalaase ka taagan gobolka Benishangul Gumuz.
Masar ayaa muddo ka shakisanayd in biyo xidheenkaas uu yareynayo saamiga ay ka hesho webiga Nile.
Sidoo kale Itoobiya iyo dalka deriska la ah ee Eritereya waxa muddo ka dhex taagan qalalaaso iyo muran dhanka xuduudda ah.
Dawladda Eritereya ayaa iska fogeysay eeda ah in ay ka dambeyso weerarka Itoobiya ay sheegatay in ay fashilisay, sida uu lagu qoray barta internet-ka ee Bloomberg.
wasiirka warfaafinta ee Eritereya Yemane Gebremeskel waxa uu fariin ku qoray barta Twitter-ka waxay u dhignayd sida tan:
“Eeda waa mid been abuur ah oo lagu saleynayo sababo aan waxba ka jirin.”
Wasiirka ayaa intaa ku daray in uusan weligii maqlin kooxda lagu eedeeyay in weerarka ay qaaday.
Dawladda Eritereya ayaa Itoobiya ka go’day ka dib dagaal aad u culus oo labada dhinac dhexmaray 1998-kii illaa 2000-kii.
Waxaa la rumeysan yahay in 80,000 oo qof ay ku dhinteen dagaalkaas.