Laamaha ammaanka ee dalka Itoobiya ayaa xidhay hoggaamiye mucaarid ee Oromo Federalist Conference.
Merera Gudina oo ah hogaamiyaha Oromo Federalist Conference ayaa magaalada Brussels u aaday si uu khudbad ugu jeediyo baarlamaanka Yurub isaga oo ka warbixinaya xaaladihii u dambeeyay ee dalka oo ay ka mid tahay lixda bilood ee xaaladda dagdaga ah ee dalkaasi lagu soo rogay bishii Octoobar.
Dawladda Itoobiya ayaa sheegtay in ay xidh xidhay in kabadan kaw iyo toban kun oo ruux tan iyo intii ay bilowday xukunka dagdaga ah.
Bare sare Merera Gudina waxaa la xidhay Arbacdii waxaana laga qabtay garoonka diyaaradaha ee Pole International markii uu ka soo laabtay Brussels.
Warbaahinta deegaanku waxa kale oo ay sheegeen in la xidh xidhay qaar ka mid ah qaraabadiisa oo iyagana la socday.
Xukuumaddu ma aysan shaacinin sababta ay u xidhay, laakiin horay ayuu si wayn dawladda ugu dhaliilay xidh xidhaanka boqolaalka ruux ee Oromada iyo Amxaarada ah, wuxuuna sheegay in xukunka dagdaga ah uusan daboolin mudaaharaadyadii dawladda lagu diidanaa ee soo socday wakhtiga sannadka ku dhaw.
Kulanka Midawga Yurub waxa uu soo jiitay xubno sarsare oo ka tirsan mucaaridka kuwaas oo ay ka mid yihiin kuwa la mamnuucay ee qurbo joogta ah.
Waxaa sidoo kale ka soo qayb galay Feyisa Lilesa oo ah oradyahankii in dhaha caalamka ku soo jeediyay mudaaharaadyadii Itoobiya ee bilaha socday.
Bare sare Merera ayaa horay xabsi ugu soo jiray todobo sanno kadib markii uu ka soo horjeedsaday xukuumaddii kali taliska ahayd ee Mengistu Haile Mariam.
Sidoo kale wuxuu ka soo qaybqaatay afgambigii boqor Xayle Silaase loo gaystay taas oo ahayd boqortooyadii ugu dambaysay ee ay Itoobiya soo marta.