Murrashaxa Madaxweynaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Jamaal Cali Xuseen oo hadimooyin siyaasaddood oo tiro ah la kulmay tan iyo intii uu ku soo biiray saaxadda siyaasadda ayaa waxa uu ugu baaqay dhallinyarada in ay ka ku dedaalaan sidii ay u yeelan lahaayeen han siyaasadeed oo ay ku hoggaamiyaan dalka.
Qoraal kooban oo Jamaal ku baahiyey Facebook-ga shalay, waxa uu sheegay in waayo-aragnimada uu bartay muddadii uu ku jiray saaxadda siyaasadda Somaliland ay tahay in ay dhiirigelisay dhallinyarada dalka, isagoo xusay in odayaashu noqon doonaan nus-dambeedka talada waddanka, haddii dhallinyaradu han yeeshaan. Isagoo arrintaasi ka hadlayana waxa uu ku yidhi qoraalkiisa:
“Shantii sanno ee u dambeeyey ee aan dalka u soo guuray si aan siyaasadda ugu biiro si toos ah, inkastoo 20 sannadoodba aan si dadban ugu jiray wax badan baan bartay. Dalka waxaan u immi waxaan dareemay in inta aan xoogga ahay dalka wax badan ku biirin karo, siyaasadda dalkuna u baahan tahay jiil cusub. Intii aan sugi lahaa marka aan hawlgabo, waxaan is-idhi intaad weli xoogga tahay dalka u shaqee oo dantaadii gaar ahaaneed jooji.”
Isagoo qoraalkiisa sii watana waxa uu yidhi:
“Taasi waxay dhiirrigelin u tahay dhallinyarada wax bartay ee siyaasiyiintu qori isku dhiibka ku dul maamulayso ee aan fursadda la siinayn oo weliba ay u raacdo in madax looga dhigo qaar badan oo ay dhallinyaradu ka sareyso dhinaca aqoonta. Dhallinyarada waxaan ku dhiirrigelinayaa in ay iyagu wax doontaan oo han yeeshaan, si dalkan isbeddel dhab ah uga suurtogalo. Odoyaashu waxay inoo noqon doonaan mus-danbeedka, innaguna xooggii baynu nahay oo dalka inaynu xawaare cusub iyo jiho cusub ku kaxaynno ayaa u taal ruux kasta oo dhallinyaro ah.”
Waxa uu qoraalkiisa ku soo gabagabeeyey:
“Haddii aynaan faraha la gelin cidna hadiyad innagu siin mayso. Imminka waxyaabihii aan kala kulmay siyaasadda iyo waxaan ogaadayba way i sii dhiirrigeliyeen, waxaanan runtii culays masuuliyadeed dareemaa markaan arko da’yarta faraha badan ee iskuullada ka soo baxay iyo shaqo la’aanta baahsan ee dalka ka jirta. Ilaahay kheyrka hayna garansiiyo.”
Jamaal Cali xuseen ayaa waxa uu hore muran siyaasaddeed ugu burburtay xisbigii UDUB oo uu hore doonayey in uu ka noqdo musharaxa Madaxweyne, haatan waxay dacwadi ugu socdaa dhagaysigeedu bilaabmay todobaadkii hore Komishanka Diwaangelinta Ururada taasi uu u dhaxaysa isago iyo Guddoomiiye Faysal, kadib markii uu Faysal diiday in uu musharaxa yahay Jamaal.
Halkan hoose ka akhriso qoraalka uu Jamaal soo dhigay barta Facebook-ga: