Jarmalka wuxu ganaaxaya waalidiinta aan carruurtooda tallaalin

 

Waalidiinta ku nool Jarmalka ee ku guuldaraysta in ay tallaalaan carruurtooda ayaa waxa ay mutaysanayaan ganaax lacageed oo dhan 2,800 oo dollar.

Wasiirka caafimaadka ee dalkaasi, Hermann Gröhe, ayaa sheegay in ay tallaabadan muhiim tahay, maadaama ay kordheen kiisaska jadeecadda ee dalkaasi.

Todobaadkan ayaa hooyo saddex dhal ah waxa ay jadeeco ugu dhimatay magaalada Essen.

Dawladda ayaa doonaysa in dugsiyada ay soo sheegaan waalidiinta aan carruurtooda tallaalin.

Haseyeeshee Jarmalka ayaan dembi ka dhigin diididda tallaalka, si la mid ah waddanka Talyaaniga.

Sharcigan cusub ayaa la filayaa in uu dhaqangalo bisha soo socota.

Bilowgii sannadkan ilaa badhtamihii bishii April, waxaa dalka Jarmalka laga diiwaangeliyay 410 oo kiis oo jadeeco ah, halka guud ahaan sannadkii 2016 waddankaasi lagu arkay 325 kiis.

Dadka qaar ayaa ku doodda in tallaalka jadeecada ee MMR-ka uu keeno xanuunka loo yaqaano autism-ka, eedeyntaasi oo ay khubarada caafimaadka si weyn u beeniyeen.

bandhige@gmail.com