Jigjiga oo galabta rabshado ka dhaceen

Bandhige (Jigjiga) Magaalo madaxda ismaamulka Soomaalida ayaa galabta waxaa ka dhacey rabshado sababey in ay istaagaan isku socodkii iyo ganacsigii magaalada qaybo ka mid ah,arintan ayaa ka danbeysay ka dib markii baabuur ay leedahay kiniisada magaalada Jigjiga oo qalab ka keenay deegaanka Koojaar oo Jinacsani u dhaw ay dhagaxyeeyeen dhalinyaro soomaali ahi.

Arintaas ayaa keentey in xaafada 6aad oo ay Kiniisadu ku taalo oo ka bilowdo isku dhac u dhaxeeya laba dhinac aakhirkiina waxaa soo fara galiyey ciidanka militariga oo kala kaxeeyey iyaga oo xabad kor u ridaayey inkasta oo aan la soo sheegin cid waxa ku noqotey arinkaas, imika magaaladu waa degan tahay xaaladuna mid caadi ah ayey u muuqataa.

Bandhige- Jigjiga