Jilaagii caanka ahayd, Sridevi Kapoor, ayaa geeriyootay kadib markii wadnaha lagaga soo booday

Sridevi Kapoor oo lagu tilmaamo dadka wajiyadooda loogu aqoonsiga badan yahay dunida filimada oo ka mid ahayd jileyaasha ugu caansan Hindiya ayaa xalay ku geeriyootay Dubai kadib markii wadnuhu istaagay.

Sridevi Kapoor oo filimada ku soo biirtay 1979-kii iyadoo 16 jir ah ayaa nolosheeda ku soo dhammaysatay metelaada filimaada, waxaanay ka mid ahayd jileyaashii loogu jeclaa filimada Bollywood ee Hindiya sannadihii 80maadkii iyo 90naadkii.

Filimada sida gaarka ah loogu xasuusto ilaa maantadana la daawado waxa ka mid ah “Mawaali”  oo ay meteshay 1983kii, “Tohfa” (1984), “Mr. India” (1987), “Chandni” (1989), “Lamhe” (1991) iyo “Gumrah” oo ay meteshay 1993kii. Filimadeeda kale ee ay aadka loo jecel yahay waxa ka mid ah English Vinglish oo ay meteshay 2012kii.

Soomaalida oo ka mid ah bulshooyinka ku xidhan filimada Hindida ayaa filimadeedu caan ka yihiin iyadoo af-Soomaali loo beddelay filimada ay jishobadankooda .

Sridevi Kapoor waxay muddo kooban is qabeen jilaaga caanka ah Mithun Chakraborty oo ay Soomalidu u taqaano (Gaal Master), muddo kadibna waxay guursatay Boney Kapoor oo ka mid ah soo-saareyaasha ugu magaca weyn filimada Bollywood. Waxay ka tagtay laba gabdhood.

Sridevi geerideeda waxa tacsiyeeyey Madaxweynaha Hindia, Ra’-iisal-Wasaaraha Hindiya iyo Maayarka London Sadiq Khan oo sheegay in uu ka mid ahaa dadkii ku soo barbaaray filimadeeda.

Sidoo kale waxa tacsi aan kala joogsi lahayn soo diraya dhammaan jileyaasha Bolleywood iyo dadweynaha Hindiya.

Il-wareed: Wakaalada Caalamiga ah ee Wararka

bandhige@gmail.com