Ka feejignow khatarta biyaha warshadaysan “biyaha sixada”

Mar kasta waxaa jidhkeenna gala walxo ili-maqabatay u badan oo caag ah, waxa ay inoo raacaan cabbitaannada, cuntada iyo xitaa mararka qaarkood hawada.

Marar badan ayaa ay walxo caag ahi raacaan bariiska, baastada, sonkorta, milixda iyo cuntooyinka oo dhan marka la warshadaynayo ama la cabbaynayo.

Caaggaasi waxa uu sidaa walxo kiimikaad iyo wasakh jidhka ku keenaa dhibaato caafimaad. Marar kale waxaaba dhacda in walax caagg ahi ay dhexgasho nudaha jidhkeenna, taas oo dhaawac gaadhsiisa habdhiska difaaca oo heegan u gala in uu iska saaro walaxda garanwaaga ku ah.

Laakiin warka naxdinta lihi waxa uu yahay in dadka uu caagga ugu badani jidhkooda galaa ay yihiin kuwa caadaysta cabbitaanka biyaha warshadaysan ee biyo sixada loo yaqaanno.

Waxaa la qiyaasayaa in caagga galaa uu tiro ahaan 90 kun oo walxood ka badan yahay caagga ay wax yaabaha kale oo dhami jidhka geliyaan.

 

SOURCE: CNN

KOOBID / TURJUMID: Kamaal Marjaan