Ciidanka boolis ee ku sugan Kashmirta ee qaybta ay maamusho Hindiya ayaa ayaa sheegay in taliye sare oo ka tirsan kooxda Jaish-e-Mohammed lagu dilay weerar dhex maray iyaga iyo xoogagga ammniga habeenimadii Isniinta.
Howlgalkan ayaa daba socday macluumaad sheegaya in taliyaha iyo maleeshiyaad kale ay iyagana dhinteen, mar ay ku sugnaayeen Srinagar, oo ah xarunta gobalkaasi.
Wali ma jiraan warar madax bannaan oo xaqiijinaya sheegada dilkaasi.
Jaish-e-Mohammed, waa koox fadhigoodu yahay Bakistaan, taas oo xukuumadda Delhi, ay ku eedeysay weeraro dhowr ah in ay ka dambeeyeen, oo uu ka mid ahaa weerar ka dhacay saldhiga ciidammada cirka ee Hindiya bilowgii sannadkan, kaas oo ku dhinteen todoba askari oo ka tirsan ciidamada cirka.